Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay loo sameeyey Ducaad ka qalin jabisay Markazka Dacwada ee Cabdallah Cazzaam Wilayada Banaadir (SAWIRO).

Maktabka Dacwada ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa soo qaban qaabiyey maalinkii jimcaha ahaa ee taariikhdu ahayd 16/05/431h oo ku aadanayd 30/04/2010 xaflad qalin jabin ah oo ay ka soo baxeen 209 Daaci kuwaas oo wax ku baranayey  Xarunta Dacwada ee Cabdallah Cazzaam .

 Xafaladdaan oo lagu qabtey Masjidka Nasruddiin ee magaalada Muqdisho ayey qaar ka mid ah qalabka warbaahintu u dhigeen si qaldan ka dib markay sheegeen in ahayd xaflad ciidan uu tababar u soo dhamaadey.

Xafaladda oo qaab heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, Culimaa’u diin,Odayaal,Aqoonyahanno iyo Qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan Wilaayada Banaadir.

Dawraddaan sharciga ah ayaa socotey muddo dhan afar bilood iyo bar waxaana ka mid ahaa Culuumtii lagu bartay:

 Culuumta Qur’aanka :


1.Xifdinta Qur’aanka Kariimka ah.
2.Hidaayatu Mustafiid (Axkamu Tajwiid)
3.Tuxfatu Adfaal (Axkaamu Tajwiid)
4.Matniga Aljazariyyah (Axkaamu Tajwiid)
5.Tafsiir Juz Camma,Suuradaha Tawbah iyo Anfaal)

Tawxiidka :

1.Usuulu Thalaatha. (Sh.Muhamad Cabdulwahaab)
2.Kashf Shubuhaat. (Sh.Muhammad Cabdulwahaab)
3.Caqiida Waasidiyyah (Sh.Ibn Taymiyyah)
4.Alwalaa wal Baraa (Sh.Ayman Addawaahiri)
5.Millatu Ibraahim (Sh.Abu-Muxammad Al-Maqdasi).

Xadiiska iyo Culuumtiisa :

 
1.Jaamicul Culuum Walxikam (Sh.Ibn Rajab)
2.Islaaxul Mujtamac (Sh.Muxamad Saalim)
3.Bullugh AlMaraam (Sh.Ibn Xajar)
4.Musdalaxul Xadiith (Sh.Ibn Cutheymiin)
5.Tayasiir Musdalixul Xadiith (Sh.M.Daxaan)
6.Riyaadu Salixiin (Sh.Imam An-Nawawi).

Fiqhiga iyo Usuushiisa :

1.Attad-hiib  fii adilati Matnul Ghaayatu wa Taghriib (MAtni Abii shujaac(Sh.Mustafaa diib)
2.Nadmul Waraqaat(Sh.Imam Aljuweyni)

Luqatul Carabiyyah :

1.Manduumatul akhlaaq wal adaab (Abii  isxaq al-albiiri)
2.Farshaxanta Laquda Carabiga (Nuskha iyo Ruqca).
3.Muqadamada ajruumiyada.
4.Qawaacidda sarfiga.

Siirada:

1.Kitaabka Nuurul Yaqiinka.
2.Mukhtasar Siiratu Rasuul.

waxaa kale oo dawrada ku jirey tababaro ku saabsan sida Muxaadarooyin iyo Khudbado loo jeediyo.

Xafladan oo ku soo gabagabawdey jawi heersare ah ayaa la gudoonsiiyey Shahaadooyin iyo Kutub muhiim ah Ducaadii dhamaysatay Dawrada Cilmiga ah.

Dawraddaan sharciga ah ayaa ka mid ah dawrooyin ay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka qabato Wilaayaatka ay ka taliyaan si xoogga loo saaro barashada diinta islaamka maxaa yeeley Diinku wuxuu ku istaagaa kitaab wax hanuuniya iyo seef wax goysa oo macnaheedu yahay Alcilmu wal camal oo midba midka kale uusan ka maarmin saas ayaana ah manhajkii Nabiga SCW, Nabigu makala reebin cilmiga barashadiisa iyo jihaadka asxaabtiisiina sidaas ayay ahaayeen qofkii dariiqoodi doonayana saas ayaa looga baahanyahay.

 

 

  

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: