Wilaaya Gedo oo Cambaaraysay Xasuuqii loo gaystay Ahlu Towxiidkii ku cibaadaysanayay masjidka Niileyn Suuqa Bakaaraha

Wilaayada Islamaiga Gedo ayaa Cambaaraysay xasuuqii ay gaalada Saliibiga ah dhawaan ka gaysteen masjid ku yaal Suuqa bakaaraha halkaasi oo ay ku cibaadaysanyihiin Shacab Muslimiin Ahlu Towxiid ah.

Gudoomiyaha magaalada B/xaawo Macalin Daa’udd Maxa’med Gaarane oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada B/xaawo ayaa sheegay in ay feejignaan muujin doonaan si looga hortago Ol Olaha lagu qarxinayo masaajidyada ee ka bilaawday deegaanada ay maamulaan xoogaga Islaamiyiinta.

Maamulka Gedo wuxuu ku Eedeeyay qaraxyadaasi shirkado shisheeye oo doonaya in ay Khal Khal ku abuuraan shacabka ku cibaadaysta masaajidyada ” Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho iyo Kismaayo waan cambaaraynaynaa waxaana gaystay cadawga islaamka, maamulka Islaamiga Gedo wuxuu ku dadaalayaa sidii ay u sugi lahaayeen amaanka”ayuu yiri Sheekh Garaane.

Sidoo kale Shacabka gobalka Gedo ayaa cambaareeyay weerarkii ka dhacay Masaajidyo ku yaal magaalooyinka Kismaayo Muqdisho oo ay ku dhinteen shacab Rayid ah tira kalane dhaawac halis ah kasoo gaaray.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqanka Koonfurta Somaliya ayaa siweyn u hadal haya dhibaatada soo korortay ee ah in Qaraxyo lagu laayo dadka Muslimiinta ah ee usoo cibaada doonta Masaajidyada.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: