Maamulka Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka oo ka hadlay Qarax khasaaro dhaliyey oo xalay ka dhacay Masaajid ku yaala magaalada Kismaayo.

Maamulka Wilaayada islaamiga ee Jubooyika ayaa ka hadlay Qarax xalay ka dhacay magaalada Kismaayo Xarunta Wilaayada Jubbada Hoose Qaraxaas  oo lala eegtay dad Muslimiin ah oo ku cibaadaysanayay Masjid ka mid ah masaajidda magaaladaas ku yaal.

 Qaraxan oo loo adeegsaday  Bambka gacanta laga tuuro ayaa ka dhacay Masaajid ku yaala xaafadda Guul wade asaga oo Qaraxani uu  dhaliyay dhimashada hal qof iyo dhaawac gaaraya 10-qof sida ay sheegeen Mas’uliyiintaasi ayada oo dhaawacaasna  la dhigay Cisbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo.

Saraakiisha amaanka ayaa xaqiijiyey in ciidamada Xisbada ay wadaan howgallo lagu raadinayo Mujrimiintii geystay falkaasi foosha xun ee sababay dhimashada iyo dhaawaca Shacabka Muslimiinta ah ee Masjidkaas ku cibaadaysanayey.

Waaliga Gobalada Jubbooyinka Sheekh Abuukar Cali Aadan oo saaka ka hadlay Idaacadda Islaamiga Andalus Kismaayo ayaa sheegay in ay sugi doonaan amaanka goobaha lagu cibaadaysto wuxuuna carrabka ku dhuftay in Qaraxani uu lamid yahay Qaraxii lagu hoobtay ee dhawaan ka dhacay Masaajidka Al Niilayn ee ku yaal suuqa Bakaaraha magaalda Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: