Waaliga Wilaayada islaamiga ah ee gobolka Banaadir oo qaraxyadii ka dhacay Suuqa bakaaraha ku eedeeyay inay ka dambeeyaan Cadow Shisheeye.

Waaliga Wilayada Islaamiga ah ee gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in qaraxyadii xooganaa ee shalay ka dhacay gudaha Masjidka Alniilayn ee suuqa bakaaraha ay soo maleegeen Cadow shisheeye oo adeegsanaya dad soomaali ah.
Sheekh Cali Maxamed Xuseen wuxuu tibaaxay in  qorshaynta iyo abaabulidda qaraxyadaasi ay soo agaasintay dowladda Mareykanka islamarkaana loo adeegsay inay fuliyaan dad soomaali ah oo sida uu sheegaya u adeegaya dowladda kmg ah ee soomaaliya.
“ Dhac dadaasi waxaa geystay ama ka dambeeya  Cadowga Alle subxnaahu wa tacaala marka la duu duubo si qaas ahna wuxuu Cadowgu mar walba soo adeegsadaa qof  midibka ay leeyihiin Muslimiinta leh,tanfiidka iyo fulinta howshaan waxaa geystay qoladan Murtadiinta ah ee gudaha joogta”.
Sheekh Cali wuxuu ugu dambayn sheegay in hadafka iyo ujeedka laga leeyahay qaraxyadaasi ay yihiin sidii dadka Masaajidyada loogu fogayn lahaa maadaama Xiliyadii ugu dambeeyay  dadka muslmiinta ah ee kunool guud ahaan wilaayaadka islaamiga ah ay caadaysteen in xilyada salaadda marka la gaaro ay masaajidda camiraan wuxuuna sheekh Cali Maxamed Xuseen ugu baaqay  shacabka muslimiinta inaysan ka go’an masaajidda iyaga oo ka baqaya in masaajidda lagu qarxiyo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: