Dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay qeybo ka tirsan degmada Hodan oo khasaara lixaad leh uu kasoo gaaray Maleeshiyada dowlada Ridada iyo kuwa qabuuriyiinta ee Mushrikiinta.

Dagaal kharaar oo muddo saacado ah socday islamarkaana shalay gelinkii dambe ka dhacay wadada isku xirta isgoysyada dabka iyo bakaaraha iyo Xaafadaha Siigaale iyo barmuudo ayaa waxaa khasaara lixaad leh uu kasoo gaaray maleeshiyaad ka tirsan xukuumada ridada iyo qabuura caabudka ee mushrikiinta oo maalihii ugu dambeeyay baarasho iyo dhac baahsan ka waday wadada isku xirta isgoysyada bakaaraha iyo dabka.
Dagaalkii shalay gelinkii dambe ka dhacay inta udhaxaysa isgoysyada dabka iyo bakaaraha ayaa waxa si wadajir ah u qaaday Mujaahidiinta Alshabaab iyo kuwa Xisbul islaam,iyadoona dagaalkaasi oo ahaa mid xoogan uu sababay in maleeshiyadii isa soo bahaystay eedowlada ridada iyo qabuuriyiinta lagala wareego deegaanada maal mihii ugu dambeeyay ay baarashada iyo dhaca ay ka wadeen.

Sarkaal ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo warbaahinta lasoo xiriiray ayaa sheegay inay dileen dhoor Askari oo kamid ahaa kuwii ay dagaalka ay la galeen,isagoona hadalkii intaa kusii daray in ciidamadoodu ay gaareen difaacyo udhow isgoyska dabka oo kamid ah meelaha ay sida aadka ah ugu xoogan yihiin dowlada ridada ah iyo kuwaSaliibiyiinta AMISOM.

Ganacstada iyo dadka usoo dukaamaysi taga suuqa waynaha ee bakaaraha ayaa maal mihii ugu dambeeyay waxa ay cabasho ka muujinayeen Maleeshiyooyin aad u hubaysan oo lasoo dhoobay inta udhaxaysa isgoysada dabka iyo bakaaraha,kuwaasi oo dhibaatooyin kala gedisan ku hayay dadka usoo shaqo taga suuqa bakaaraha.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: