Dowro islaami ah oo lagu soo gaba gabeeyay magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Dowro islaami ah  oo lagu baranayay  ku shareecada islaamka ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada baydhabo ee Xarunta gobolka baay iyadoona dooradaan ay soo qaban qaabisay Maktabadda dacwada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ee gobolada baay iyo bakool.
Dooradaan islaamiga ah oo lagu qabtay mid kamid ah Mucaskarada ku yaala magaalada Baydhabo ayaa waxaa kasoo qeyb galay  intii ay socotay Macalimiinta Madaarista qur’aanka ee magaalada baydhabo iyo  qeybaha kala gedisan ee bulshada,iyadoona duruusta ugu badan ee lagu qaadanayay ay ahaayeen sidii bulshada loo faham siin lahaa micnaha ay leedahay ku dhaqanka shareecada islaamka.
Madaxa dacwada iyo Tacliinta Wilaayada islaamig ah ee baay iyo bakool Macalin gaduudow oo ka hadlay gaba gabadii Xafladda lagu soo xirayay  dowrada ayaa sheegay  in Maktabadda dacwada ee wilaayada islaamiga ah uu sii dar dar gelin doono doorooyinka noocaan oo kale ah ee lagu kororsanayo fahamka saxda ah ee shareecada islaamka si bulshada ay u noqoto mid ku dhagan ku dhaqanka shareecada islaamka.
Ma’ ahan markii ugu horeysay ee doorooyin noocaan oo kale ay soo qaban qaabiso waaxda dawacada ee wilaayda islaamiga ah ee baay iyo bakool balse mudooyinkii u dambeeyay ayaa maktabkaasi wuxuu sii dar dar geliyay  howlaha dacawada ah ee uu ka qabto gobolada baay iyo bakool.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: