Xog Muhiim ah: Beel degta gobalka Shabeelaha Dhexe oo qaab xeeladaysan lacago kumanaan Dollar ah uga qaadatay dagaal oogayaashii la tirtiray.

Qaar ka tirsan Beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalka Shabeelaha dhexe ayaa qaab xeeladaysan lacago farabadan uga qaatay dagaal oogayaashii hore iyo saraakiil ka tirsan Dowlada KMG ah. Shabakad ka mid ah shabagadaha caanka ah ayaa ogaatay dhacdo layaab leh oo mid kamida Beelaha dega Gobalka Shabeelaha Dhexe lacago uga gurteen Bashiir Raage Shiiraar, Max’med Dheere iyo cabdi Jiinow Calasow oo wada qorshayaal ay maleeshiyaad ku Aruursanayaan.

Mid ka mida Odayaal dhaqameedyada Beeshaasi ayaa u xaqiijiyay in beesha degta deegaanada kala ah Guulane,Qurac Madoobe,Wargaadhi, Masaajid Cali Guduud iyo deegaanno kale ay dejisay shax ay lacago uga cunaysay wax ay uu ugu Yeereen “Dagaal Oogayaal Riyoonaya”.

Nabadoonka oo xariir wanaagsan laleh Islaamiyiinta ayaa uga sheekeeyay sidan “Maxamed Dheere iyo Bashiir Raage ayaa soo wacay odayaasha deegaanada aan kuu soo sheegay waxay u sheegeen in ay dhaqaale badan soo dirayaan balse ay u baahanyihiin in loos oo qoro ciidan beesha ah oo ku dagaalama magaca Ahlusuna, markii ay sheekadaasi dhaxmartay odayaasha iyo dagaal oogayaasha ayay na soo waceen waxgaradka si ay noogala tashadaan sida ugu muhiimsan ee lacagtaas looga cuni karo dagaal Oogayaashaasi, aniga ayaa tegay wargaadhi iyo Masaajid cali Guduud odayaasha waxaan isla garanay in dhaqaalaha laga qaado raggan dagan waana ku guulaysanay in aan dhaqaalaha ka qaadno”.

“Maalin Arbaca ah ah ayaan Masaajid cali Guduud fadhiisanay waxaana soo aruurinay dhalinyaro badan oo deegaanka ah oo aan ku metelaynay Ciidan, waxaan taleefan garaynay Bashiir iyo Maxamed Dheere durbadii ay taleefanka naga qabteen dhalinyaradii deegaanka ayaan ku amarnay in ay shirbaan oo ay Dhulka Gawaanka ah ku Rabeeyaan ama ay ku gaardiyaan Sameecadda taleefanka ayaan u furnay Bashiir iyo Maxamed dheere aad ayay ugu farxeen wayna qosleen”.

Nabadoonka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qorshahan lacagta looga qaadayay dagaal Oogayaashaas ay aad ugu ciil qabeen Jufooyin beelahaasi ka tirsan oo horay looga laayay Maleeshiyaad ay Maxamed Dheere iyo Bashiir Raage dagaal geliyeen welina aan raq iyo ruux laga hayn halka ay jiraan sida muuqatana dagaallo islaamiyiinta lala galay lagu dilay.

Nabadoonka ayaa Markale ka waramaya sida ay wax ku soo gaba gaboobeen “Markii cabaar ay isqabsadeen Shiribkii iyo Rabayntii dhalinyrada degaanka ee shaxda jilayay ayuu Bashiir Raage yiri Tolkeygiyoow waa mahadsantihiin ee bes dhaha Ciidanka hanaga daalina ee Xawaalad Hebel oo Jowhar ku taal beri 52-kun oo Dollar kasoo qaatay, Taarka Guulane ka soo qaada 100-Malyan ee dhalinyarada Hilib ugu qala”!!! .

“Markii qorshihii guulaystay oo aan Dagaal oogayaasha Fuqara ka dhigi rabno ayaan ka shakinay qaar Odayaasha kat irsan oo aan Nux Nux wax fashilin karta ka dareenay laba Oday ayaan xabsiga dhignay” ayuu warkiisa sii raaciyay oday dhaqameedkan waraysiga bixiyay

Maalintii Khamiista 11:00-kii Barqanimo ayaan 52-kun Dollar gacanta ku dhignay waxaan lacagtii gaynay deegaaankii qorshaha lagu dejiyay waxaan isla garanay in Lacagtan loo qaybiyo Eheladii ay Bashiir raage iyo Max’med Dheere dhalinyarada uga Baabi’yeen qayb kalana waxaa laysla gartay in lagu hormariyo deegaanada beeshaasi degto waxaana deeganadaasi lageeyay ciidan Xisbo ah oo Wilaayada Sh.dhexe katirsn.

Odayaasha Beeshaas ayaa marqura isla yiri “Ilmihii ay Horay nooga sireen ayaanan Raq iyo Ruux ka hayn mahadaan Ilmahayna udhiibaynaa Caqli xumayaal ka xaaxaabiya”.

Qorshahan ay degeen Beeshan degto Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa Niyad jab ku riday Dagaal oogayaasha hadda doonaya in ay magaca Ahlusuna isku abaabulaan waxayna arrintani fariin u tahay in beelaha dega Shabeelaha dhexe diyaar u ahayn Dagaal Ilmahooda lagu laayo.

Deeganada Beeshaasi degto waxaa gacanta ku haya Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo dadka deegaanka waxayna ka qayb qaateen Howlgal bilaawgii Bishaan lagu qaaday kooxo Burcad ah oo isku dayay in ay Shabeelaha dhexe iska abaabulaan.

Dagaallo sanadkii lasoo dhaafay Gobalka G/gaduud ku dhaxmaray Shabaabul Mujaahidiin iyo Qabuura Galeenka Mushrikiinta ayay u caruur beeleen beelo dego C/waaq,Xeraal iyo Guriceel oo dharaar Cad Wiilashii ay dhaleen ay islaamiyiinta ku Gowraceen Wabxo iyo warxoolo iyagoo ka Barbar dagaalamaya Qabuura Galeenka Mushrikiinta ah.

Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa dhacdadan dhaqaalaha badan lagu helay looga hadal hayaa waxaana saacado kooban ku taajiray dad Fuqaro ahaa oo dhaqaale xalaale si fudud uga helay Dagaal oo gayaal Horay Umiirtay dhiiga Wiilashooda.

warkaan waxaa helay oo aanka soo xiganay (somalimemo)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: