Duqeymo Culus oo ay Gaysteen Saliibiyiinta AMISOM oo Dhaliye Dhimasho Iyo Dhaawac Khasaaro ka Soo Gaaray Shacabka Muslimiinta

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa saaka degan ka dib duqaymo Cadowtooyo ah ay gaysteen saliibiyiinta AMISOM ka Istish-haadkii barakaysnaa ee Lagu qaadey gaalada xooga ku jooga magaalada Muqdisho, shacab farabadan ayaa ku geeriyooday madaafiic shalay lagu garaacay Suuqa Bakaaraha iyo Yaaqshiid.

Madaafiicda ugu daran waxay ciidamada shisheeye ee cadowga ahi ku garaaceen xaafada Towfiiq degmada Yaaqshiid iyo Bakaaraha waxaana halkaasi ku shahiiday 10 qof oo rayid ah,madfac ku soo dhacay xaafadda Towfiiq ayaa sababtay shahiidey 5 qof oo rayid ah dadka dhintay waxaa kamid ahaa Haween Umul ah iyo Carruur.

Sidoo kale madfac ay saliibiyiinta AMISOM ku soo rideen Suuqa Bakaaraha ayaa khasaara ka gaystay afaafka hore ee Masjidka Abuu Hureyra Suuqa Bakaaraha waxaana halkaasi ku dhintay sedax qof oo rayid ah tira kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray.

Madaafiicdii shalay oo u muuqatay mid ay AMISOM ku gumaadaysay shacabka ayaa timid ka dib markii fal istish-haadi ah lagula beegsaday fariisin ay AMISOM ka joogeen degmada Shangaani.

Saliibiyiinta AMISOM ayaa caado u ah markii gacmaha mujaahidiinta ku ciqaabaan ay shacabka muslimka aan waxba galabsan kaga aargutaan duqayn ka gaysteen degmada X/weyne oo ay maamusho xukuumada ridada ee murtad shariif hogaamiyo waxaana halkaasi ku dhintay dad rayid ah oo ku sugnaa goob ganacsi.

Khasaara aad u culus ayaa shacabka rayidka ah ka soo gaaray madaafiic ay shalay ciidamada shisheeye ku garaacen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho xilli aysan dagaallo culus ka jirin magaalada.Shisheeyaha Muqdisho ku sugan ayaan kala jeclayn shacabka Muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyagoona madaafiic aan loo aaba yeelin ku garaacaya xaafadaha shacabka deganyihiin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: