Hogaamiyaha Xisbul Islaam sheekh xasan daahir aweys oo Cambaareeyay Heshiis dhaxmaray Axmed madoobe iyo Dowladda Riddada kaas oo ka dhan ah Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab.

Gudoomiyaha Ururka Xisbul islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa si kulul u cambaareeyay Heshiis uu Axmed Madoobe lagalay Dowlada Riddada iyo xukuumadda kenya oo labaduba cadaw ku ah Shacabka Muslimiinta Soomaaliya.

Sheekh Xasan Dahair Aweys oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa Cambaareeyay Howlaha Axmed Madoobe ka wado Xad beenaadka Kenya isagoona ku tilmaamay Hogaamiyaha shareeca diidka ah :”Nin Ceel kusii dhacaya”.

Mujrim Axmed madoobe ayaa dhawaan Heshiis dhinacya badan taabanaya lasaxiixday Dowladda Riddada shariif Murtad Hogaamiyo iyo Dowlada saliibiga Kenya waxaana cadaatay khiyaanadii Axmed Madoobe oo ay in mudda ah ka digaysay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Weriyaasha ayaa Xasan Daahir Weydiiyay in Axmed madoobe iyaga katirsanyahay iyo inkale wuxuuna ku gaabsaday in Ninkaasi khalad ku dhacay taas oo muujinaysa in Sheekh Xasan Daahir iyo Axmed madoobe sii kala furnayaan, Aljazeera ayaa shalay baahisay in Axmed madooe laheshiiyay dowladda Riddada.

Sheekh Xasan ayaa qudhiisa qiray in uu xariir lasameeyay Axmed madoobe una qiray arrinkaas “Haa aniga ayaa lahadlay wuuna iisheegay waxa doqonimada ah ee uu saxiixay”ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Sanadkii lasoo dhaafay Dagaal lagashay maleeshiyaadka Axmed madoobe oo isku dayayay in ay Burburiyaan Wilaayada islaamiga Jubbooyinka kadib markii uu kusoo duulay magaalada Kismaayo, Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidin Sheekh Cali dheere ayaa dhawaan sheegay in ay wax kasta kala cadaan doonaan bilaha soo socda hadalkaas oo u muuqda in uu xaqiiqoobay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: