Wilaayada Islaamiga gobalka Banaadir oo goordhaw fulisay xukuno Islaami ah.

Wilaayada Islaamiga gobalka Banaadir Xaraakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta xukuno Islaami ah ka fuilisay magaalada Muqdisho waxaana xukunadaasi lagu fuliyay dad Maxkamad Islaami ah lasaaray.

 Xukunadan oo isugu jiray Xaddul Xiraabah iyo Qisaas ayay wilaayada Islaami ah ku fulisay rag gaystay dhac iyo dlal ka baxsan shareecada Islaamka, munaasabad xukunadaasi lagu fulinayay ayaa ka dhacday degmaday Dayniile.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxday fagaare ku yaal xaafadda Tiida degmada Dayniile waxaana halkaasi lug iyo gacan is dhaaf ah looga gooyay nin falal dhac ah ka gaystay magaalada Muqdisho.

Waxaa isna maanta lafuliyay xukun qisaas ah ,saraakiil ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa goordhaw Halganka.wordpress.com u xaqiijiyay in xukunadaas lafuliyay balse waxaa goobta xukunada ka dhacayeen ka dhacay qiso cajiib ah.

Saraakiisha Shabaab ayaa bilaabay in ay u nasteexeeyaan ninka qisaasta lagu fulin rabay waxayna guda galeen in ay alle xusuusiyaan maanta xadka alle waajib yeelay laga fulinayo balse ninka qisaasta lagu fuliyay ayaa ku hadlay erayo ka yaabiyay dadkii goobta joogay.

Markii ninka xadka laga fuliyay loo sheegay in uu Ashahaato oo uu alle xusuusto ayuu ku jawaabay “Ashahaado wax ladhaho ma aqaan dhaqsada idila idinka ayaan idiin xiranahay, Ashahaado maxaa ladhahaa waxaas aniga dan igama hayso” ayuu yiri ninka laqisaasay.

Qaar ka mid ah madaxda Wilaayada Islaamiga Banaadir ayaa muddo daqiiqada ah ku mashquulsanaa sidii ay ninka la qisaasay u waanin lahaayeen laakin ninka oo muujinayay madax adayg ayaa lagu kari waayay in uu Ashahaadka qabsado wuxuuna muujinayey deganaaan.

Ehelada loo qisaasay ninka dembiilaha ah ayaa iyana codsanayay in loo dadajiyo xukunka Qisaasta arrimahaas oo isbiirsaday ayay dadkii goobta joogay lafajaceen,lama oga in ninka laqisaasay uu Islaamnimo ku dhintay iyo in kale waana dhacdadii ugu yaabka badneed ee la arko.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: