Waxgaradka ku nool degmooyinka Galcad iyo Ceeldheer oo soo dhaweeyay howlgaladii ay Shabaabul Mujaahidiin ka sameeyeen Bariga gobalka G/gaduud.

Waxgaradka ku dhaqan degmada Galcad gobalka G/gaduud ayaa soo dhaweeyay howlgaladii ay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka sameeyeen deegaanada dhaca Bariga gobalka G/gaduud.

 Kadib kulan balaaran oo ay deegaanka Masagawaay ku yeesheen odayaasha deegaanka iyo Saraakiisha Shabaabul Mujaahidiin ayay iskula soo qaadeen sida ay dadka deegaanku uga qayb qaadan lahaayeen sugidda amaanka.

Waxgaradka deegaanada Galcad iyo Masagawaay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin howlgaladii lagu kala eryay maleeshiyaadka oo ay sheegeen in ay dhibaato ku hayeen nolosha shacabka.

Mid kamida Nabadoonada Galcad oo kulankaas hadal muhiim ah ka jeediyay ayaa farta ku goday dhibaatadii ay ku hayeen maleeshiyaadka Qabuura Caabudka ah wuxuuna sheegay in ay dadka u diidi jireen ganacsiga xorta ah iyo in Taleefanada gacanta lagu isticmaalo deegaanadaasi.

 Mujaahidiinta waa soo dhawaynay waxaana kala shaqay doonaa amaanka iyo dhaqan celinta dhalinyarada akhlaaq doorsoontay, waxaan ku faraxsanahay in nagala dulqaaday maleeshiyaadkii aan dhalnay oo dhibaato dhanka Bulshada ah nagu hayay” ayuu yiri Oday dhaqameed reer Masagawaay ah.

Waaliga G/gaduud Sheykh Yuusuf Ciise Kaba Kudukade oo isna kalimad ka jeediyay kulankii shalay ayaa sheegay in Xarakada Shabaab u jeedkeedu uusan ahayn dagaal kaliya balse ay doonayaan in ay Bulshada ku dhaqaan Shareecada Islaamka islamarkaana arrimaha Bulshada wax laga qabto.

Sheykh Yuusuf wuxuu odayaasha ku booriyay in ay u yeeraan maleeshiyaadkii carartay islamarkaana ay hubka ka dhigaan kadibna ay si nabad gelyo ah ugu noolaadaan deegaanadadooda.

 Deegaanka Masagawaay waxaa dib ugu soo laabtay dhamaanba dadkii ka barakacay xiligii ay dagaaladu socdeen waxaana shacabka taakta daran loo qaybiyay Raashin Mucaawino ah oo ay Mujaahidiintu halkaasi geeyeen.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: