Sheekh Jaamac C/salaan oo Kashifay in Ururka Al Ictisaam ay yihiin Murjio’ ka leexday Caqiidada Ahlusuna Waljamaaca (Dhagayso).

Culimaa’udiinka magaalada Muqdisho ayaa maanta si kulul uga Jawaabay Bayaan dhawaan ka soo baxay Wadaadada ku bahoobay Ururka Al Ictisaam oo lagu eedeeyo in uu ka Inxiraafay Ururkaasi Manhajkii toosanaa ee salafka.

Masaajidyada magaalada Muqdisho qaarkood ayaa maanta Khudbadihii saaladda Jimcaha lagu soo qaatay Baaqii ay soo saareen wadaadada Ictisaam ee dhawaan ku shiray magaalada Garowe xarunta Gobalka Nugaal.

Masjidka Dabaqaynta degmada Yaaqshiid oo ka mid ah Masaajidyada ugu waaweyn magaalada Muqdisho ayaa maanta si heer sare ah loogu soo qaatay dhacdadii Garowe ka dhacday oo ay Culimada Ictisaamku kas oo saareen Go’aano ay ku dhaliileen Culimada Somaliyeed gaar ahaan kuwa Jihaadka ka wado Somaliya.

Sheykh Fu’aad Mux’med Khalaf oo kamid ah culimada sida weyn looga Ixtiraamo Soomaaliya ayaa Tacliiq dheer saaray Khudbadii maanta wuxuuna ku dheeraaday sida ay Ictisaam u Khiyaameen diinta Islaamka iyo jiha wareerka ay ku rideen shacabka Muslimiinta ah.

Sheykh Fu’aad Mux’med Khalaf wuxuu Bayaankii Ictisaam ku tilmaamay mid shar ah oo ay soo saareen kuwa ka leexday Manhajka toosan wuxuuna ka faaleeyay Acmaasha kooxda labaxday Ictisaam iyo Mugdiga ay Umadda Muslimka ah lamaaganyihiin.

Markii uu in mudda ah hadlayay Sheykh Fu’aad waxaa is hayn karin waayay Sheykh Jaamac C/salaam oo kamid ah culimada Soomaaliyeed islamarkaana xubin ka ah Kooxda Ictisaam ee Sheykh Fu’aad ceebahooda oo dhan Masjidka ka sheegay.

Sheykh Jaamac wuxuu qiray in Kooxdaasi ay ka leexdeen Manjhajkii Ahlusuna islamarkaana ay yihiin Irjaa’iyiin, Sheykh Jaamac wuxuu kalimadiisi uga hadlay laba qodob oo kala ah in Caqiidada Irjaa’a ay ka dhaxjirto Ictisaam Shabaabul Mujaahidiina ay haystaan Caqiidada Ahlusuna islamarkaana ay ka saxnaayeen culimadaasi xiligii ay Muqdisho Fatwooyinka kasoo saarayeen.

Sheykhu wuxuu cadeeyay in isagu uu kamid ahaa Hay’addii culimada Musaalaxada xiligii ay jirtay guddigii loo saaray in uu shabaab lasoo xaajoodo dood dheer kadibna ay Shabaabku soo bandhigeen Manhajkooda ka dibna uu ogaaday in Shabaabku ay sax sanyihiin oo ay Caqiidada Ahlusuna haystaan halka Ictisaamna ay Irjaa’yihiin, dhibka jirana uu yahay Culimadii oo Adduunyo doortay oo xaqqa ka leexday islamarkaana aduunyo jaceylku ku riixayo in ay Fatwo ka soo saaraan wax walba oo dantoodu ku jirto.

Ugu dambayntii Sheykh Jaamac C/salaam wuxuu sheegay in Wadaadada ku shiray Garowe aysan aaminsanayn Caqiidada Ahlusuna islamarkaana ay yihiin Murji’o, Ururka Ictisaam ayaa ka mid ah Ururada sida weyn u hagar daameeyay Jihaadka ka socda Somaliya islamarkaana maamulada reer galbeedka usoo dhisaan Soomaaliya u Fatwooda si ay shacabka Soomaaliyeed ugu jiha wareeraan.

Halkaan ka Dhagayso Kalimadii Sheekh Jaamac C/salaan Xafudahullaah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: