Dagaal xoogan oo hub fara badan lagula wareegay ayaa saakay ka dhacay duleedka magaalada masagawaay ee gobalka G/galgaduud.

waxaa kasoo baxaaya Tafaasiil dheeraad ah howlgal ay saaka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka sameeyeen duleedka deegaanka Masagawaay gobalka G/gaduud oo maalmihii la soo dhaafay ay dagaallo ka socdeen. .

Wararka naga soo gaaraya Masagawaay ayaa xaqiijinaya in ciidanka Mujaahidiinta Al Shabaab ay saaka weerar kula jarmaadeen deegaanka loo yaqaan Baabuur Gadoon oo u dhexeeya Masagawaay iyo Burtuqle.

Saraakiishii howlgalkaasi hogaaminaysay ayaa Shabakadda wararka halganka.wodrpress u xaqiijiyey in weerarka ay ku qaadeen goob maleeshiyaadka Qabuuriyiinta ay raashin ku karsanayeen islamarkaana ay doonayeen in ay iska soo abaabulaan.

Dagaal halkaasi ka dhacay ayay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qabsadeen Gaari xamuul ah oo ay ka buuxeen raashin iyo rasaas aad ufara badan, gaariga Shabaabku lawareegeen ayaa ahaa nuuca BG-ga loo yaqaan.

Waxaa goobta lagu dilay 6 nin oo ka tirsanaa Qabuura galeenkii dagaalamayey, saraakiisha ayaa intaasi raaciyay in ay soo rarteen agab ay maleeshiyaadku raashin iyo hilib ku karsanayeen.

Waxaa kale oo jira Maxaabiis la soo qabtay oo lageeyay deegaanka Masagawaay, howlgalkii saaka ayaa ahaa mid lagu soo afjarayay dagaaladii ka socday Masagawaay oo musiibo ku noqday maleeshiyaadka kooxda Ahlusuna sheegata.

Taliska ciidanka Mujaahidiinta Al Shabaab ee Masagawaay qabsaday waxay sheegeen in dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay socday ay ku qabsadeen hub iyo rasaas farabadan oo suura gal ka dhigaysa in G/gaduud oo dhan looga dagaalamo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: