Dagaaladii Bulacle iyo Masaggawaay oo soo dhamaaday iyo Mujaahidiinta oo Hub farabadan kala wareegay Maleeshiyaadka Mushrikiinta oo Bakhtigooda daadsanyahay goobta dagaalka

Waxaa Goordhaw soo Idlaaday dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada Mujaahidiinta Shabaab oo kaashanaya shacabka iyo Maleeshiyaadka Qabuuriyiinta Mushrikiinta ah kaas oo ka dhacay meel ku dhaw Dh/Mareeb.

Saraakiisha Mujaahidiinta ayaa Goordhaw nasoo gaarsiiyay Khabar sheegaya in dagaalkii Bulacle uusoo gaba gaboobay kadib markii Jab xoogan dhabarka loo saariyay Mushrikiintii soo duushay.

Taliyahaasha ciidamada Mujaahidiinta oo Warbaahinta lahadlay ayaa xaqiijiyay in Mushrikiintii ay Jab aan lamalaysa karin kala kulmeen dagaalkii Bulacle waxaana wadooyinka soo gala tuuladaasi tuban Bakhtiga Mushrikiinta.

In kabadan 3 gaari oo nuuca dagaalka ah iyo mid xamuul ah ayaa Mushrikiinta loogala wareegay dagaalkii maanta ka dhacay Bulacle, Mujaahidiinta waxaa dagaalka kala qayb qaatay Dadka deegaanka oo aan u kala harin dagaalkii maanta taas oo keentay in Bakhtiga Mushrikiinta latubo wadooyinka.

Dadka deegaanka waxay kusoo dagaal galeen Fardo iyo Baqlo taas oo rucbi ku riday Mushrikiinta, Idaacadda Islaamiga Andalus waxay xariiro lasamaysay dadka deegaanka oo gacan weyn ku lahaa dagaalkii maanta, dadka deegaanka waxay noo sheegeen in ay ku mashquulsanyihiin aasida bakhtiga Mushrikiinta inta uusan qoraxu dhicin.

Dhinaca kale dagaal cuslaa oo galabta ka dhacay Masaggawaay ayaa soo dhamaaday kadib markii la eryay Maleeshiyaadkii Mushrikiinta ahaa, saraakiisha ayaa noo sheegay in dagaalka ay soo qaadeen Maleeshiyaadka kadibna si adag laysaga difaacay.

Sarkaal lahadlay warfidiyeenada wuxuu sheegay in uu Indhihiisa saaray Bakhtiga in kabadan 17 Mayd oo laga reebay Mushrikiintii, Maleeshiyaadka ayaa la Eryada wax badan 4 KM iyagoona u cararay dhanka Howdka ah.

Mujaahidiinta ayaa weli ku sugan deegaanadii lagu dagaalamay, dagaaladan ayaa yimid kadib markii Mujaahidiintu ay shalay dagaal kula wareegeen Galcad,Masagawaay iyo Ceel dheer oo G/gaduud kawada tirsan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: