Dowladda kmg ah oo sii labo jibaartay barakcinta ay ku hayso dadka degen hareeraha Xeryaha ay degen yihiin Ciidamada shisheeyaha.

Dowladda kmg ah oo mudooyinkii udambeeyay waday ol-ole lagu barakicinayo dadka rayidka ah ee degen hareeraha Xeryaha ay magaalada muqdisho ka degen yihiin Ciidamada shisheeyaha  ayaa maalintii shalayto  ahayd ugu baaqday dadka degen nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada Villa soomaaliya inay halkaasi isaga bara kacaan.
Taliye ka tirsan Ciidamada dowladda kmg ah islamarkaana qaabilsan Amaanka Xarunta Madaxtooyada oo magaciisa lagu soo gaabiyay Caanood  ayaa shalay gelinkii dambe  waxa uu u jeediyay qoysaska shacabka ah ee kunool hareeraha Xarunta Maaxtooyada inay halkaasi isaga barakacaan,isagoona sheegay in guryaha halkaasi ku yaala ay la wareegi doonto dowladda kmg ah.
Taliyahan magaciisa lagu soo koobay Caanood ayaa u sheegay qoysaska halkaasi kunool in amarkan uu ka dambeeyay wareegto kasoo baxday Xafiiska Reysal wasaaraha dowladda kmg ah Cumar C/rashiid Cali sharmaarke wuxuuna taliyahaaas uu ku hanjabay in Ciidamada dowladda kmg ah ay awood Meliteri adeegsan doonan hadii qoysaska rayidka ah ay ka dhago adeegaan inay  ka barakacaan guryahooda.
Wareegtadan lagu barakicinayo dadka degen Nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada waxaa si aad ah kaga carooday hooyooyinka iyo maatida kunool xaafadahaasi waxayna sheegeen in  guryaha laga barakicinayo ay  sharci ahaan iyaga iska leeyihiin,balse dowladda kmg ah ay awood u adeegsanayso .
Bil ka hor ayay  ahayd markii Ciidamo ka tirsan dowladda kmg ah ay si qasab u bur buriyeen Xaafado ay degen yihiin dad barakacayaal ah oo ku yaala Xaafadda Afsiyooni ee degmada waabari,iyadoona amarka lagu bur buriyay Xaafadahaasi dadka rayidka ay degenaayaan uu kasoo baxay Maamulka gobolka banaadir ee dowladda kmg ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: