Ciidan Hubaysan aan haybtooda la garan ayaa weerar ku qaadey Gudahana U galay magaalada Libooya ee xad benaadka Kenya iyo Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya magaalada Libooya ee ku dhow xad benaadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in rag aad u hubaysan oo Soomaali ah ay galeen gudaha magaaladaasi islamarkaana ay weerareen gobo ay ka bartilmaan sanayeen oo ku yaala gudaha magaaladaasi.

 Wargayska Saturday Nation oo ka soo baxo dalka kenya ayaa sheegay in dadka deegaanka ay u sheegeen in ragaasi hubaysan ay weerareen dhowr goobood oo ay kamid yihiin Hotelada Cali Cariif iyo Cabdi Adoon oo ku yaala gudaha magaaladaasi, hase ahaatee aanay jirin wax qasaaro ah oo ka dhashay weerarkaasi.

 Ragani la sheegay in ay galeen gudaha magaalada Libooya ayaanay is arkin Ciidamada gumeysiga Kenyaatiga ah ee ilaaliya xad benaadka Kenya iyo Soomaaliya sida ay sheegeen dadka deegaanka.

 Gudoomiyaha gumeysiga gobolka Waqooyi Bari ee dalka labaxay Kenya James Ole Serian oo arintaasi wax laga weydiiyay ayaa isna ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixyo dhacdadaasi.

 Horaantii bishan ayay aheyd markii dowladda gumeysiga Kenya ay sheegtay in rag ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay weerar ku qaadeen magaalo ku dhow gudaha xad benaadka Kenya iyo Soomaaliya.

 Saraakiil ka tirsan xarakada al-shabaab oo aan la xiriirnay ayaa wax ka waydiinay waraka sheegaya inay weerareen magaalo ku dhaw xad beenaadka, waxayna warkaas ku tilmaameen been abuur iyo daandaansi ay dowlada saliibiga Kenya ku soo weerarari rabto shacabka muslimka soomaaliyeed.  

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: