Ciidamada Xisbada wilaayada islaamiga ah Sh/ dhexe oo soo afjaray howl galo ay kula dagaalamayeen kooxaha burcadda ah ee dhibaateeya Shacabka

Wilaayada islaamiga ah gobolka shabeelaha dhexe ayaa ku dhawaaqay  in lasoo afjaray howl galo maal mihii ugu dambeeyay  Ciidamada Xisbada ee wilaayada ay ka wadeen qaar ka tirsan degmooyinka hoos yimaada wilaayada islaamiga ah,kuwaasi oo ay kula dagaalamayeen kooxo burcad ah oo caadaystay inay dhibaateeyaan dadka rayidka ah.
Shir jaraa’id oo shalay gelinkii dambe magaalada jowhar ee Xarunta wilaayada islaamiga ah uu ku qabtay waaliga wilaayada shabeelha dhexe  Sheekh Bukhaari Aadan Cabdi ayuu ku sheegay in Ciidamada Xisbada ee wilaayadu ay si rasmi ah usoo afjareen howl galo ay mudooyinkii lasoo dhaafay ay ka wadeen degmooyinka Ruun nirgood iyo Aadan  yabaal,kuwaasi oo lagu soo qab qatay kooxo qowleysato ah oo dhibaatayan jirtay  gawaarida safarka ah ee ukala goosha degmooyinka kala duwan ee gobolkaas.
Sheekh Bukhaari Aadan wuxuu xusay  inay sii wadi doonaan howl galada ay kual dagaalamayaan kooxahasi burcadda ah inta ay gebi ahaanba ay ka ciribtirayaan,wuxuuna sidoo kale baaq u jeediyay shacbiga muslimiinta ah ee kunool wilaayada shabeelaha dhexe ,isagoona ugu baaqay inaysan la shaqeynin kooxahaas burcadda ah.
Maal mihii ugu dambeeyay ayaa Ciidamada Xisbada ee wilaayada islaamiga ah gobolka shabeelaha dhexe waxay wadeen howl galo ay kula dagaalamayaan kooxo burcad ah oo sheegtay  inay ka tirsan yihiin kooxda la baxlay Ahlu suna ee ka talisa degmooyin ku yaala gobolka gal guduud.
Laakiin qaar ka tirsan dadka deegaanka degmooyinka Ruun nirgood iyo Aadan yabaal ee gobolka shabeelaha dhexe ayaa xaqiijinaya in kooxaha hadaa lasoo afjaray ay  ahaayeen kuwo qowleysato ah oo ku caan baxay dhibaataynta dadka musaafirka ah ee ukala goosha degmooyinka kala duwan ee gobolka shabeelaha dhexe.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: