Shacabka muslimiinta ee ku dhaqan dalka Kenya gaar ahaan somalida Oo dhibatooyin kala kulma police-ka Dalkaas.

Waxaa isa soo taraya dhibatada lagu hayo shacabka muslimka ah ee ku dhaqan dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimada dalkaas.

Dadka muslimka ah eek u nool dalkaasi ayaa waxey kala kulmaan ciidamada dalkaas xarig jirdil iyo handadaad iyadoo aan loo kala saarin qof weyn iyo qof yar mina’muwaadin somaliyeed ayaa inooga waramay dhibaatoyin ay u geysteen police_ka dalkaas,

Muwaadinkaas dagan xaafada ay somalida ku badan tahay ee islii oo magaciisa ku sheegay maxamed jaamac ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidaan,,goor habeen ah anigoo maraya guriga aan daganahay meel aanka fogeen ayaa waxaa igu qabsaday police waxey I weydiyeen sharci kadibna waan tusay.

Intaas maysan ku Ekaanin ee waxay kaloo I weydiyeen meesha aan ka imid

Waan u sheegay kadib waxay igu yiraahden wax lacag ah ma haysaa waxaan ku iri maya waxaana watay wax yar oo aan casho ku raadsanayay kadib waxay gacmaha la galeen jebaab keyga waxayna kala baxeen lacagti yareed aan cashada u watay iyo taleefonka gacanta oo aan watay.

waxey iga qaateen sharcigii aan watay waxeyna igu xireen jeebad ama katiinat oo police ka isticmalaan waxaan ku iri maxay tahay sababta aad igu xiraysaan waxay iigu yiraahdeen waxaad tahay al shabaab waxayna igu bilabeen dharbaaxo iyo laad ilaa aan ka dhacay.

Waxaan ku soo toosay anigoo jiifo xabsiga waxaan halkaas kula kulmay wiilal somaliyeed oo kuso booqanayay qof uga xiran ayaan ka codsaday in ay eheladeyda la xiriiraan una sheegaan in ley xiray.

waxaa ii yimid eheladeyda waxeyna u tageen taliyaha saldhigaas heystay waxeyna weydiiyeen sababta leyxiray anigoo ah qof muwaadin kenyan ah,wuxuu usheegayinaan ku edeesanahay waxa lagu sheego argagixiso kiiskeygana uu yahay Mid maxkamadeed ama labixiyo lacag dhan 500,000 ksh oo u dhiganta 6500$ dolarka marekanka ah.

waxaa aad ugu adkaatay eheladii maxamed jaamac in ay dhiibaan lacag taas faraha badan oo aysan awoodin lacagtaas xaqdarada ah ee tuuganimada ee lagu soo oogay wiilkooda.

ehelka maxamed waxey codsadeen in wax laga dhimo lacagtaas faraha badan gorgortan badan kadib ehelka maxamed jaamac iyo taliyaha waxey isku afgarteen in labixiyon lacag dhan 300,000 ksh dolarna u dhiganta 3900$.

maxamed jaamac intaas kadib wuxuu helay xornimadiisa inkastoo ay ku reebtay xanuun badan dhibaatadii loogeystay,dhacdadaan mahan mid hada ugu horeyso ee waxey ka mid tahay dhibaatoyinka lagu haayo shacabka muslimka ee ku nool dalka kenya gaar ahaan somalida oo aan u kala soocneyn mid aqoonsi leh iyo mid aan laheyn balse loo dhibateeyo islaamnimada.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: