Qaar kamid ah Idaacadaha Muqdisho oo Xagal daacinaya muujinta Dhaqamada Islaamiga ah kadib markii Heesaha iyo Musica laga joojiyay (Warbixin).

Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa maalintii 2-aad u hogaansantay awaamir Islaami ah oo ay Ururka Xisbul islaam uga joojiyeen Idaaacadaha layska maqlo Heesaha iyo Miyuusiga Fisqiga ah.

Inkastoo Idaacadaha aysan si dhab ah ugu hogaansamin awaamirta hadana waxay meesha ka saareen Heesihii ay baahinayeen iyo Music hordhac u ahaa Wararka iyo Barnaamijyada idaacadahaasi lagasii dayn jiray.

Warbaahinta ayaan weli ka waantoobin in ay Music-ga wada dhaafaan waxaana lamaqlayaa Music Khafiif ah oo ay ku hoos qarinayaan Iidhahyada ay Idaacadaha kasii daayaan taas oo muujinaysa in ay Xagal daacinayaan awaamirtii islaamiga ee lafaray.

Nacayb ay Akhlaaqda Islaamka u qabaan ayaa laga dareemayaa Milkiilayaasha Idaaacadaha iyo saxafiyiinta ka howlgala iyagoona aan baahinayn Muxaadaraad waxayna taasi muujinaysaa in ay ka xunyihiin joojinta laga joojiyay Heesaha iyo Musica.

Idaacadaha ayaa Astaanta wararka u isticmaalaya Codadka xayawaanada iyo Gawaarida sida Codka Dameerka,Digaaga,Xoolaha iyo waxyaaba lamid ah marnaba Idaacadahani ma Isticmaalin waxyaabo ka maqal wanaagsan codka xayawaanada.

Warbaahin ku caan baxday baahinta Heesaha iyo Musica ayaan baahinayn duruus Islaami ah taas oo muujinaysa in Idaacaduhu ay si ula dagaalamayaan dhaqanka islaamiga ah oo ay doonayaan Islaamiyiinta Somaliya in ay ka Oogaan .

Weriyaasha marka ay ka hadlayaan u hogaansamida Awaamirta Xisbul Islaam ayay si caadifi ah u leeyihiin “anagoo ah Idaacad Hebel waan joojinay Heesihii aan baahin jirnay maadaama Xisbul Islaam sidaasi na amreen” marnaba Weriyaasha heesaha laga joojiyay kuma dhawaaqayaan in baahinta Heesaha iyo Musica lareebay ka hor 1431 HR.

Shareecada islaamka ayaa xaaraantinimaysay dhagaysiga Heesaha iyo Musica ruuxii banaystana uu alle ugu yaboohay Cadaab wax laxwiya waxaana laga daalacan karaa Aayado kamid ah suuratu (Luqmaan) oo si faah faahsan uga hadlaya Heesaha.

Waxaa jira Sedax Idaacadood oo weli baahinaya Heeso iyo Music waxaana Idaacadahaasi gacanta ku haya dhinacyo reer Galbeed ah waana Idaacadaha kala ah Radio Muqdisho (AMISOM), Radio Xormo (UNDP), Radio Bar-kulan (Q.midoobey)

One Response

  1. asc walaalayal soo noqda waxaan u baahanahay xaqiiqda dhabta aad inooga soo warama jirteen insha allah waan isinka war sugeyna wcs.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: