Ciidamada Xisbada Wilaayada islaamiga Sh/Dhexe oo saaka Howlgal burcad sifayn ah ka sameeyay tuulooyin hoos yimaad degmad Ruun nirgood.

Ciimada Xisbada Wilaayada Islaamiga Sh/Dhexe ayaa saaka aroortii hore howl-gallo amaan sugid ah ka bilaabay tuulooyin hoos taga degmada Ruun nirgood oo kamid ah degmooyinka Wilaayada Sh.dhexe.

Saraakiil katirsan ciidamada Xisbada Wilaayada Sh/Dhexe ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u xaqiijiyay in Mujaahidiintu ay Burcad ladagaalan ka wadaan tuulooyin dhowr ah oo maalmihii lasoo dhaafay ku badanayeen kooxaaha hubaysan.

Israsaaseyn culus ayaa ciidamada Xisbada iyo Maleeshiyada ku dhaxmartay duleedka degmada Ruun Nirgood waxaana halkaasi ka dhashay dhimasho badan oo soo gaartay Maleeshiyada Burcadda ah ee diidan ku dhaqanka shareecada islaamka.

Dhinaca kale waxaa soo gaba gaboobay Howlgalo Barakaysnaa oo ay Mujaahidiintu ku qaadeen Tuulooyin hoos yimaad degmada Aadan Yabaal waxaana lasoo sheegayaa in Saldhiga degmadaasi lagusoo xiray kooxo Burcad hubaysan ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: