Saliibiyiinta AMISOM oo Madaafiic ku garaacay shacabka muslimka xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho

Ciidamada shisheeye ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta madaafiic arxan dara ah ku garaacay xaafado katirsan degmooyinka magaalada Muqdisho xilli wax dagaallo ah aysan ka socan magaalada.

Madaafiic aad culus ayaa maanta duhurkii lagu garaacay xaafadaha H/wdaag iyo Yaaqshiid waxyana madaafiicdaasi kasoo dhacayeen madaxtooyada Villa Somaliya oo fariisin u ah madaxda ugu saraysa DKMG ah iyo saraakiisha AMISOM.

Inta la ogyahay madaafiicdii maanta waxaa ku geeriyooday 4-qof tira kalane dhaawac ayaa kasoo gaaray markii ay saacadu ku beegneed abaara 12:30 duhurnimo ayay mar qura madaafiic culus kusoo hoobatay hareeraha Suuqa Bakaaraha.

Madfac kusoo dhacay Isgoyska Bakaaraha ayaa sababay geerida Hal qof oo haween ah iyo dhaawac soo gaaray 9-qof oo rayid ah sidoo kale madaafiic khasaara dhalisay ayaa kusoo dhacday agagaarka Saldhigga H/wadaag waxaana halkaasi ku dhamaaday carruur goobta ku ciyaaraysay kubadd cagta.

Madaafiicda oo ahaa kuwa aad culus ayaa sidoo kale ku dhacday xaafadda Gubta Ciise cabdi, Goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in madaafiic kusoo dhacday xaafadda ay ku dhinteen 2-qof oo rayid ah.

Dhinaca kale Taangiyada Ciidamada AMISOM ayaa lasoo dhigay wadada Makka Al Mukarama ilaa iyo madaxtooyada Villa Somaliya halkaas oo ay ilaala xoogan ku hayeen waxaana jiray cabsi laga qabay in islaamiyiintu weeraraan Villa Somaliya oo ay munaasabado dabaal deg ah ka socdeen.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: