Ganacsatada degmada Walaweyn oo balan qaaday in ay bixinayaan Hubka iyo dhaqaalaha kale ee ku baxaya Ciidanka Xisbada Wilaayada

Wilaayada islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa shaacisay in ay taageero dhaqaale iyo mid ciidan u heshay ku dhaqanka shareecada islaamka oo gobalkaasi muddo sanad ka hor ah lagusoo rogay.

Wafdi balaaran oo ka socda Wilaayada Islaamiga Shabeelaha Hoose oo maalmihii lasoo dhaafay booqashooyin Indha Indhayn ah ku marayay degmooyinka gobalkaasi ayaa faah faahiyay socdaalkooda.

Sheykh C/qadin Kabajecel waali Ku xigeenka Gobalka ayaa sheegay in ay taageero ka heleen ganacsatada iyo beelaha dega demada Walweyn oo balan qaaday in ay bixinayaan Hubka iyo dareeska ciidamada Xisbada Wilaayada.

Sheykh Kabajecel wuxuu sheegay in socdaalkiisa ay ku wehliyeen saraakiil kale oo katirsan Mujaahidiinta Muhaajiriinta ah islamarkaana si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Walaweyn oo kamid ah meelaha ay Shabaabul Mujaahidiin ka dhaqan gelisay ku dhaqanka shareecada islaamka.

Ganacsata ayaa sheegtay in ay ku diirsadeen amaanka iyo bilicsamida ay soo celsheen ciidamka Xisbada sidaas darteedna ay iyagu ay bixi doonaan wax walba oo sare loogu qaadayo ku dhaqanka shareecada islaamka.

Dhinaca kale Beelo dega degmada Walaweyn ayaa ka codsaday Wilaayada Islaamiga Gobalka Shabeelaha Hoose in ay soo booqdaan deegaanadooda si ay hubkooda ugu wareejiyaan Islaamiyiinta.

Waa markii ugu horaysay oo ay Shacab degan magaalo kamida magaalooyinka Somaliya ay kafaala qaadaan Hubka iyo dhaqaalaha ku baxaya ciidamada Xisbada Wilaayaada Islaamiga ah ee ka hana qaaday Koonfurta Somaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: