Wilaayada Jubooyinka oo Mamnuucday in gudaha Magaalada Kismaayo lagu iibiyo Maandooriyaha qaadka.

Kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska waaliga wilaayada islaamiga ah ee degmada Kismaayo  Ugaas Cumar Ugaas Maxamed ayaa waxaa  lagu mamnuucay in gudaha Magaalada kismaayo lagu dhex iibiyo Maandooriyaha qaadka iyadoona sidoo kale digniin loogu jeediyo dadka Sigaarka iyo qaadka ku dhex cuna goobaha la isugu yimaado ee magaalada kismaayo.
Wareegtan ayaa lagu sheegay in baro cayiman oo lagu iibiyo qaadka loo sameeyey dadka qaadwalayaasha ah ee ka ganacsada maadooriyahaas,waxaana wareegtadu ay digniin u jeedisay cid kasta oo isku dayda  inay jebiso wareegtada kasoo baxday xafiiska waaliga degmada kismaayo.
Sdioo kale wareegtada ayaa lagu sheegay in ganaax culus la dul dhigayo gaarigii la arko isaga oo qaadka  ku dhex wada gudaha Magaalada, waxaana wareegtada lagu xusay in laga qaadi doono lacag dhan 3.000.000 oo shilin soomaali ah.
Wareetada kasoo baxday Xafiiska waaliga kismaayo ayaa dhanka kale digniin loogu jeediyay dadka qaadka iyo sigaarka ku dhex isticmala goobaha bulashadu ay isugu timaado sida suuqyada,baararka,isbitaalada iyo kuwa lamidka ah,waxaana lagu  sheegay in ciddii lagu arko iyada oo goobaha bulshada ku isticmaalaysa sigaarka iyo qaadka in laga qaadi doono ganaax lacageed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: