Maxkamadda Guud ee Xarkada Mujaahidiinta Al-shabaab oo Shirkadda Amal ku xukuntay in ay daabacdo 70875 kitaab (Faah-faahin)+sawiro

Maxkamadda guud ee Xarakada Mujaahidiinta  Alshabaab ayaa maanta waxay soo bandhigtay  buug nooca Xasuus qorka ah oo ay soo daabacatay  Shirkadda Xawaaladda ee Amal Bank kaasi oo ay ku qornaayeen waxyaabo ka dhan ah shareecada islaamka.
Qaadiga Maxkamadda guud ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Sheekh C/dul Xaq oo maanta warbaahinta muqdisho shir saxaafadeed u qabtay ayaa ugu horayn waxa uu ka hadlay baaritaano ay ku wadeen buugaasi Anshax darada ah oo lagu Xayaysiinayay  Ciido ay leeyihiin dadka Masiixiyiinta ah.

Sheekh C/dul Xaq oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa faah  faahiyay buugaas liddiga ku ah shareecada suuban ee islaamka iyo Akhlaaqiyaadka bulshada Muslimka ah .
“ waxaa wadanka soomaaliya lasoo geliyay  buug leh Astaanka Shirkadda Xawaaladda Amal  Bank laguna qeybiyay  gudaha qeybo kamid  ah  wilaayaadka islaamiga ah,buugaagtaas oo gudahooda laga helay  waxyaabo dhaawacaya Shareecada islaamka  iyo damiirka qofka Muslimka ah,waxyaabahaas oo ay ka mid yihiin.

Waxyaabihii ku qoraa Buugii Amal faafisay oo muujinaya Acyaad gaalo

1-Faafinta Ciidadaha Kirishtanka,Ciidahaas oo tiradoodu gaarayso 35-ciid oo gaaladu ay leedahay  iyadoo aan laga xusin ama laga  sheegin labada Ciidood ee islaamku leeyahay.
2-kala qeyb qeybinta dalka iyo dadka soomaaliyeed,qeybna ay siiyeen Cadowga Alle subxaanahu watacaalaa  Ugandheeska iyo buruundeeska qeyb ay siiyeen,qeybna ay siiyeen dowladaan ridada ,qeybna ay ku magacaabeen kuwan Mushrikiinta ah,qeybna ay ku magacaabeen Somali land iyo Puntland qeybna ay ku magacaabeen inay joogaan Mujaahidiinta  oo marka loo fiiriyo qeybahaas kale nisbo aad u yar ah .
3- Hal ku dhigyo  ay ku magacaabeen Xikmad oo ay leeyihiin yahuudda.

4-Sawiro aan Anshaxa ku fiicnayan .

Xukunka ay Maxkamaddu ku riday  Shirkadda Amal Bank.

Alqaadi  Sheekh C/dul Xaq ayaa ku dhawaaqay Xukunka ay Maxkamadda guud ee Mujaahidiinta Alshabaab ay ku riday  Shirkadda Xawaaladda Amal Bank wuxuuna qaadigu sheegay in shirkadda lagu amray inay soo daabacdo kutubo diiniya oo gaaraya 70875 oo Kitaab.

Kutubadii ay Maxkamadda ku xukuntay in ay soo daabacdo shirkadda Amal Express

Maxkamddu waxay ku Xukuntay  Shirkadda Amal  Xukun Tacziir ah oo noqonaya Sidan.
Inay daabacdo Shirkad Amal Kutub dhan 70875 oo kitaab kuwaasi oo faah faafhintoodu ay  ku qoran tahay warqadda ku lifaaqan Xukunka.
In la gubo buugaagtaasi wixii laga hayo .
In dib dalka aysan u keenin  waxyaabaha noocaan oo kale ah .
Magacyada Kutubta la doonayo  inay soo  daabacdo Shirkadda Amal Bank.
1-Masaaxif Qur’aan ah Cadadka laga doonayana waa 5000 oo kitaab.
2-Kitaabka la yiraahdo Xisnul Muslim Cadadka laga doonaya waa 5000 oo kitaab.
3-Kitaabka Mashaaricul Al-Ashwaaq Cadadka laga doonayo  waa 25 Kitaab.
4 -Jaamicul Culuum Wal Xikam Cadadka laga doonayo  waa  20,0oo kitaab.
5-Arbaciinul An-nabawi  Cadadka laga doonayo waa 3000 oo kitaab.
6-Riyaadul Saalixiin Cadadka laga doonayo waa 200 oo kitaab.
7-Islaaxul Mujtamac Cadadka laga doonayo waa 2000 oo kitaab.

Dhanka kale wariyaashii ka qeyb galay  Shirka jaraa’id ee uu qabtay Qaadiga Maxkamadda guud ee Shabaabul Mujaahidiin oo la tusiyay buuga ay soo daabacatay  Shirkadda Xawaaladda Amal Bank ayaa sheegay in buuga Midibkiisu uu ahaa mid madow ah oo ay ku qornaayeen 35-Ciidood oo ay leeyihiin dadka Masiixiyiinta iyo sawiro Anshax daro ah oo aan ku wanaagsanayn Akhlaaqiyaadka islaamiga ah ee bulshada soomaaliyeed.
Waxaana Ciidaha ay leeyihiin dadka Masiixiyiinta ah ee buugaas ku qornaa kamid ah maalinta Jacaylka,Maalinta Aabaha,Maalinta Qaramada Midoobay  iyo Maalmo kale

One Response

  1. Buracad baad tihiin, umadda ilaahay diinta ku diraya. Ee alle ka cabsada oo ummadda dilka iyo dhibka ka daaya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: