Maleeshiyaadka Kooxda Riddada oo Isbaarooyin soo dhigtay agagaarka Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Maleeshiyada Kooxda Riddada ayaa dhibaata aad u xoogan ku haya gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha magaalada Muqdisho iyo deegaanada lagu Barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho.

Saaka aroortii ayay Maleeshiyada Kooxda Riddada isbaarooyin soo dhigteen inta udhaxaysa Kuliyadda Jaalle siyaad iyo Haanta dheer oo ay ku xooganyihiin gaalada AMISOM, goob joogayaal ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u xaqiijiyay in Murtadiintu ay leexsadeen gaadiid rakaab ah kadibna ay lacago iyo qalab kale ka gurteen shacabka Muslimiinta ah.

Maleeshiyada Riddada ee isbaarooyinka dhigtay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa ah kuwii dhawaan Tababarka kusoo qaatay dalka jabuuti waana Maleeshiyada ugu daran ee shacabka dhaca ugaysta.

Ciidamada Gaalada Bunrundi ee xoogga ku jooga Jaalle Siyaad ayaa Indhaha ka daawanayay dhibaatada ay Murtadiintu ugaysanayeen shacabka Rakaabka ah waxaana larumaysanyahay in Gaalada Burundi ay lug ku leedahay dhaca ay Maleeshiyada Kooxda Riddada ku hayaan shacabka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: