Shabaabul Mujaahidiin oo hawada ka saaray Idacaadii Afka Saliibiga ku hadli jiray ee BBC-da FM-yada ee ka howl gala Wilaayaadka islaamiga ah.

Wareegto Maantaka kasoo baxday  Maktabka Iclaamka  Shabaabul Mujaahidiin ayaa guud ahaan lagu Xayiray shaqooyinkii ay qaban jireen FM-yada ay leedahay Hey’adda warbaahinta Ingiriiska BBC-da ee gudaha dalka soomaaliya. 

Wareegtadan ayaa sidoo kale lagu sheegay  in shabaabul Mujaahidiin ay la wareegi doonaan qalabka yaala  FM-yada ay bbc-du ku leedahay gudaha  Wilaayaatka islaamiga ah ee soomaaliya,waxaana wareetadan ay soo  baxday kadib markii Maktabka Iclaamka Shabaabul Mujaahidiin uu si qoto dheer ugu kuur galay howlaha ay qabato warbaahintaas.

Idaacadda  bbc-da waa warbaahin laga leeyahay dalka ingiriiska islamrkaana ah Codka koowaad ee  qaabilsan fulinta Ajandaha gumaysiga saliibiga ee ku aadan dunida Muslimka  ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday  Maktabka  Iclaamka Shabaabul Mujaahidiin.

Maktabaka Iclaamka ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa sidoo kale ku eedeeyey Hey’adda bbc-da inay dagaal kula jirto  ka hir gelinta shareecada islaamka ee dalka soomaaliya  iyo  in Maamulo islaami ah laga dhiso gudha dalka soomaaliya.

Ugu dambayn  Wareegtada kasoo baxday  Xafiiska Maktabka Iclaamka Shabaabul Mujaahidiin waxaa lagu faray  Idaacadaha qandaraaska war tabinta kula jira Hey’adaha bbc-da iyo Voa-da in maanta laga bilaabo ay soo afjaraan qandaraaska ay kula jirtaan Hey’adaha BBC-da iyo VOA-da.

Dhanka kale wararka ka imaanaya Xarumihii ay bbc-du ku lahayd Magaalooyinka koonfureed ee dalka soomaaliya ay sheegayaan in islamarkiiba la bilaabay howsha lagu fur furayo qalabka ay Hey’adda bbc-du ku leedahay Xarumaha wilaayaadka islaamiga ah.

One Response

  1. Asc ikhwaani May Allah give the victory to te Mujaahideen every where in the world Allahuma Ameeeeeeeeen Ameeeeeeen Ameeeeeeeen.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: