Wilaayada Xisbul islaam magaalada B/weyne oo sheegay in ay Shabaabul Mujaahidiin kala qayb qaadanayaan sifaynta Qabuura Galeenka Mushrikiinta ah.

Xoogaga Ururka Xisbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday in ay ka qayb qaadanayaan Howlgalada cusub oo ay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka wado deegaano katirsan gobalka G/gaduud.

Maamulka islaamiga degamda B/weyne gobalka Hiiraan ayaa shaaciyay in ay diyaariyeen ciidan xoogan oo Shabaabul Mujaahidiin kala qayb qaata guluf dagaaleedka ka dhanka ah Qabuuriyiinta G/gaduud dhibaatada ka wada.

Afhayeenka Wilaayada Islaamiga Xisbul Islaam magaalada B/weyne Sheekh Max’med Wehliye Odawaa oo saaka lahadlay Saxaafada ayaa xaqiijiyay in ay ku wajahanyihiin magaalada Guriceel si ay Mushrikiinta uga saraan.

Sheekh Odawaa wuxuu xaqiijiyay in Shabaabul Mujaahidiin garab taaganyihiin islamarkaana ay isla dagaal gelayaan “Wilaayada Xisbul islaam B/weyne waxay ka qayb qaadanaysaa dagaalka ka dhanka ah Mushrikiinta iyo Murtadiinta waxaana si muuqata ugarab taaganahay Mujaahidiinta Shabaab, saacadaha soo socda ayaan Guriceel weerari doonaa”ayuu yiri Odawaa.

Shabaabul Mujaahidiin iyo Al Xisbul islaam ayaa sanadkii lasoo dhaafay dhegaha u laabay Maleeshiyaad Qabuuriyiin ah iyo kuwa Riddo ah oo kusoo duulay magaalada B/weyne xarunta gobalka Hiiraan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: