Xukun Qisaas ah oo galabta lagu fuliyay Askari katirsanaa Ciidanka Xisbada Wilaayada Islaamiga Gobolka Sh/Hoose

Wilaayada Islaamiga Gobalka Sh/Hoose ayaa galabta xuku qisaas ah ku fulisay mid kamida ciidamada Xisbada Mujaahidiinta Wilaayada oo dhawaan si bareer ah u dilay qof shacab ah oo ku sugnaa Gobalka.
Boqolaal qof ayaa isugusoo baxday garoonka SYL bartamaha magaalada Marka halkaasi oo ay ka dhacaysay Munaasabad xad looga fulinayay walaalka Mujaahidka ah ee ku gar darooday dadka Muslimiinta ah ee ku nool gobalka.

Waaliga Wilaayada Islaamiga Gobalka Sh/hoose Sheekh Max’med Abaa Cabdalla oo goobta qisaastu ka dhacaysay ka hadlay ayaa sheegay in Shabaabul Mujaahidiin ay ku dhaqanka shareecada islaamka dhab ka tahay islamarkaana cid walba oo fal dembiyeed gaysata cadaalada la hor keeni doono xataa hadii ay ahaan lahayd madaxda Xarakada.

Askariga katirsan Xisbada ee galabta Xadka lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray Muuse Cabdi wuxuuna horay si bareer ah dilay marxuum la oran jiray Axmed Cabdi Yuusuf oo deganaa deegaanka Boolay degmada Owdheegle.

Maxkamadda magaalada Marka ayaa Ehelada markii laga dilay hor dhigay sedaxdii shardi ee Shareecada Islaamka ay ka qabto qofkii qof Muslim ah dil bareer ah ugaysta waxayna Ehelka doorteen in loo qisaaso sidaasna ay Wilaayada islaamiga ah ufulisay xadkaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: