Xarakada Alshabaab oo maanta ka warbixisay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo Markii la aas aasay (Warbixin)

Afhayeenka Xarakada Shabaabul mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud raage oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu warbaahinta u faah  faahiyay  kulamo mudooyinkii  dambe gudaha dalka soomaaliya ay  ku lahaayeen Hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab,kuwaasi oo looga arinsanayay waxyaabihii uqabsoomay  Xarakadaasi tan iyo intii la aas aasay.
Sheekh Cali Maxamuud raage ayaa waxa uu sheegay in mudada ay  dhisan tahay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab dalka ay ka hir galisay ku dhaqanka shareecada islaamka,islamarkaana ay soo nooleeyeen qaar ka tirsan Arkaanta islaamka oo fulinteedu ay  ka gaabiyeen bulshada soomaaliyeed sida bixinta Zakawaadka.

Soo nooleynta Shareecada islaamka.

Sidoo kale Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxa uu carabaayay  in hadda gacantooda ay ku jiraan 10-gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka soomaaliya,kuwaasi oo ay  ka hir geliyeen Wilaayaad islaami oo dhaqan geliya Shareecada islaamka.

Waxuuna tilmaamay inay ku rajo wayn yihiin in Mustaqbalka dhow ay gacantooda soo gasho Sideedda gobol ee harsan si ay uga hir geliyaan ku dhaqanka Shareecada islaamka,isagoona xusay in Maamulada Puntland iyo Somali lanad ay yihiin Maamulo riddo ah oo aan waxba dhaamin dowladda kmg ah ee uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed.

La dagaalanka Shirkiyaadka.

Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali dheere” ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabihii uqabsoomay ay ka mid yihiin Xamlo ay  ku qaadeen Qubuuraha la barakaysto ee ku yaala gudaha dalka soomaaliya taasi oo ay ugu magac dareen “ Fa’sul Khaliil”,isagoona tibaaxay in Xamladaasi ay ku bur buriyeen  Macbacyo la caabudi jiray oo ku yaalay gobolada kala duwan ee dalka soomaaliya.
 Sheekh Cali dheere waxa uu intaa ku daray  inay sidoo kale dalka soomaaliya ka fuliyeen Xukuno waafaqsan Shareecada islaamka  kuwaasi oo lagu oogay  dad dambiyo kala duwan ka galay Shareecada islaamka, waxaaana Xukunadaasi kamid ah Xaddul Xiraab,Qisaas,iyo tacziiro.
Ceyrinta Hey’adaha ajnabiga ah.
Shabaabul Mujaahidiin intii ay dhisnaayeen waxay sidoo kale dalka soomaaliya ka cayriyeen Hey’ado kala duwan oo isugu jiray Hey’ado dalka u joogay kirishtaamaynta Caruurta soomaaliyeed,Hey’ado sirdoon ah iyo sidoo kale Hey’ado gebi ahaanba kasoo horjeeday  in Shacabka soomaaliyeed Horumar ay ka gaaraan tacbashada beeraha.

Heshiisyada beelaha.

Wilaayaadka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ee dalka soomaaliya  ayaa iyagu noqday kuwii ugu badnaa ee qabtay howlaha muhiimka ah ee Xarakadaas,iyagoona Mubaacya-cooyin la galay beelaha soomaalida ah ee dega  goboladaas,waxaanaXusid mudan in beelahaas hubkooda ay ku wareejiyeen wilaayaadka islaamiga ah si loogu difaaco Shareecada islaamka.

Dhanka kalena waxay hehsiisyo nabadeed iyo Musaalaxooyin dhex dhigeen beelo soomaali ah oo waqti dheer ay colaado lagu riiqday u dhexeeyeen.

Sameynta iyo dayactirka goobaha dunta guud.
Waxqabadkii ay qabteen Mujaahidiinta Alshabaab ayaa waxaa  ka mid ah dhisidda wadooyinka isku xira gobolada dalka soomaaliya iyo sidoo kale sameynta buundooyin fara badan,waxayna sidoo kale gobolada dalka soomaaliya ka hir geliyeen goobo Caafimaad iyo goobo waxbarasho oo wax tar uleh shacabka soomaaliyeed.
Fikirkooda ku aadan Burcad badeedda.

Shabaabul Mujaahidiin waxay beeniyeen inuu jiro Xiriir kala dhaxeeya  Kooxaha Burcad badeedda soomaalida ah ee Maraakiibta qafaasha,waxayna  sheegeen inaysan raali ka noqon doonin Afduubka iyo qafaalashada doomaha  shixnadaha ganacsi u sida ganacsatada soomaaliya.
Xiriirka ay la leeyihiin Mujaahidinta Caalamka.
Sheekh Maxamuud Raage Afhayeenka Mujaahidiinta Alshabaab wuxuu sheegay  inuu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Mujaahidiinta Caalamka ee dagaalada ka wada qeybo katirsan wadamada Islaamka,wuxuuna xusay in mabda’oodu yahay  mid isku mid ah,isagoona hadalkiisa intaa kusii daray in gurmad iyo taageero xoogan ay ka heleen Mujaahidiinta Caalamka iyagana ay diyaar u yihiin inay u gurmadaan Mujaahidiinta Caalamka.
Ugu dambeyn Afhayeenka Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay  inay ka cudur daaranayaan wax kasta oo qala-daad ah oo dhinacooda ay galeen intii ay ku jireen Camalka Jihaahiga ah,isagoona Xusay in dhalinyarada ay yihiin dhalinyaro  ku cusub Camalka Jihaadka balse ay baran doonaan,isagoona intaas ku daray in si looga hortago qala-daadkaas ay ka fureen Wilaayaadka kala duwan ee islaamiga ah Xafiisyo dacwo oo loogu talo galay in ay  Shacabka dacwooyinkoodu geystaan.
Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa sidoo kale waxa uu ugu baaqay  shacabka soomaaliyeed  inay u istaagaan difaacidda iyo koryeelidda diinta Allah,islamarkaana la dagaalamaan Cadowga doonaya inay bur buriyaan ku dhaqanka Shareecada islaamka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: