Shariif Sheykh Axmed iyo Odayaal katirsan Beesha Mudulood oo is khilaafsan kadib xilka qaadis lagu sameeyay maareeyaha Dekadda Muqdisho.

Madaxa DKMG ah shariif Sheykh Axmed ayaa ka madax adaygay Codsi ay u jeediyeen Odayaal dhaqameedyo katirsan Beesha Mudulood ku aadaneed in aan xilka laga qaadin mas’uuliyiinta beesha ugu jirta DKMG ah.

 Ilo Xog Ogaal ah ayaa xaqiijinaya in khilaaf xoogan uu u dhexeeyo Shariif iyo Odayaasha Beeshiisa kaas oo ku aadan xilal ay Odayaashaasi la doonayaan saraakiil dowlada taageersan balse shariifka ayaa ka meer meeraya.

Shariif Sheykh Axmed wuxuu si toos ah u jebiyay heshiis bishii Feebaraayo uu Muqdisho kula saxiixday odayaasha Beesha Mudulood kaasi oo ahaa in aan xilka laga qaadin Cabdi Jiinow Maareeyaha Dekada Muqdisho muddo 2-sana ah iyo in xilalka wasiirnimo aan laga qaadin 2 Nin oo beesha DKMG ah ugu jira.

Saaka aroortii ayaa xilkii Maareeyanimo laga qaaday Cabdi Jiinow Maareeyihiin Dekadda Muqdisho ugu magacaawnaa DKMG ah waxaana loo magacaabay maareeye kale waxaana sidaasi ku buray Heshiiskii u dhexeeyay shariif iyo Beeshiisa.

Cabdi Jiinow oo dhaqaale aad u badan ka dhurtay Dekadda Muqdisho waxaa ka qasaaray Boqolaal Kun oo Dollar oo uu ku laaluushay odayaal beeleedyo si uu usii hayo xilka Maareeyaha.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Cumar cabdi Rashiid ayaa lagu sheegay in Cabdi Jiinow xilkii laga xayuubiyay, Jiinow wuxuu xilka qabtay sanadii 2007 xiligaas oo ay Muqdisho qabsadeen ciidankii xabashida waxaana xilka u magacaabay Cali Max’med Geddi oo ay isku hayb yihiin.

Shariif Sheykh Axmed ayaa cadaadis kala kulmaya odayaasha beeshiisa kadib markii uu uga baxay balan uu horay ula galay, inta badan shacabka beesha shariifka ayaa taageeray xoogaga islaamiyiinta ee maamula Gobalada dalka Somaliya taas oo caqabad ku noqotay dowlada shariifka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: