Maleeshiyada Xukuumada Ridada ah oo dhac iyo baarasho ugeysta gawaarida BL-ka ah ee isticmaala wadada isku xirta Kuliyada Jaale siyaad iyo Ex-Contorol Afgooye.

Gaadiidlayda ka dhex shaqeysa wadada isku xirta magaalada muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa ka cabanaya dhac iyo baarasho baahsan oo maleeshiyo ka tirsan dowlada Ridada   ah ay kula kacaan rakaabka saaran gawaarida ka dhex shaqeysa wadadaas.

Cabashada ugu daran ayaa gaadiidlayda qaada rakaabka waxay ka muujinayaan agagaarka halka loo yaqaano haamanka dheer oo udhow Kuliyaddii hore ee jaalle siyaad halkaasi oo Xilyada habeenkii iyo maalintiiba lagu baarto shacabka saaran gawaarida.

Mid kamid ah darawada kaxeeya gaadiidka rakaabka qaada oo Saxaafada U waramaaye ayaa sheegay in fiidnimadii xalay   Maleeshiyo ka tirsan dowladda ridada ah ay baarasho kula kaceen rakaabka saarnaa gaarigiisa oo ku sii jeeday  deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada muqdihso,wuxuuna darawalkaasi sheegay  in rakaabkii la socday  gaariga laga qaatay  mobiladii iyo lacagihii ay  siteen.

Si walba ha ahaatee waxaa mudooyinkii u dambeysay sii xoogaysanayay cabashada kasoo yeeraysa daroowalada gaadiidka qaada ee ka dhex shaqeeya Muqdiso iyo Afgooye,kuwaasi oo ka cabanaya dhac baahsan oo Maleeshiyada Anshaxa Xun  dowladda ridada ah ee fariisinka ku leh agagaarka haanta dheer  ee wadada warshadaha ay kula kacaan gawaarida rakaabka qaada ee wadadaasi isticmaala.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: