Wilaayada Islaamiga Gobolka Banaadir oo Mamnuucday in Xoolaha Nool lagu qalo Kawaanka Macmalka ee degmada Dayniile kadib Nadaafad xumo ka dilaacday.

Wilaayada Islaamiga Gobalka banaadir ayaa maanta soo saartay go’aan lagu mamnuucayo Xoola qalkii Macmalka ahaa ee ku yiilay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Waaliga Gobalka Banaadir oo maanta saxaafadda kula hadlay degmada Dayniile magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay mamnuuceen isticmaalka Kawaanka macmalka degmada Dayniile kadib nadaafad darro ka dhalatay Xoola qalka.

Sheekh Cali Max’med Xuseen Abuu Jabal wuxuu sheegay in Ur iyo qashin badan uu buux dhaafiyay xoola qalka taasi oo keeni karto caafimaad darro halkaasi ka dhalata “waad u jeedaan Urka iyo dhibaatada ka jirta Xoola qalkan sidaas darteed waan joojinay in xoolo lagu qalo halkaan inta laga dhisayo”ayuu yiri Sheekh Cali.

Wilaayada islaamiga Gobalka Banaadir waxay ugu baaqday ganacsatada Hilibka in ay u wareegaan Kawaanka Gowraca degmada Kaaraan halkaasi oo dhawaan ay dayactir ku samaysay Wilaayada Islaamiga gobalka Banaadir.

“Intii ay Shacabku cuni lahaayeen Hilib Eeyo iyo Mukulaalo soo cuneen Khudaarta iyo caanaha ha iska cunaano”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Abuu Jabal.

Shalay iyo maanta ayaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa Hilib yari waxaana cirka iskusii shareeray qiimaha hilibka lakala siisto maadaama ay Mujaahidiintu joojiyeen xoola qalkii Dayniile.

Wilaayada Islaamiga gobalka Banaadir ayaa ku daalaysa sidii loo yarayn lahaa cudurada laayaanka ah ee ka dhasha nadaafad xumada ka jirta magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: