Rasaas Wiifto ah oo kusoo dhacaysa madaxtooyada Villa Somaliya iyo Saraakiisha kooxda Riddada oo cabsi aad u xoogan muujinaya.

Xiisada colaadeed ayaa ka taagan hareeraha madaxtooyada Viila Somaliya oo fariisin u ah madaxda kooxda Riddada ee uu hogaamiyo shariif Sheekh Axmed waxaana halkaasi ka jira cabsi aad u xoogan.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayay degmada Wardhiigleey gaar ahaan goobaha ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Mujaahidiinta iyo Maleeshiyada Kooxda Riddada waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada gaalada Yugaandhiiska ee Villada ku sugan heegan la geliyay .

Dhawaqa rasaasta yar yar ayaa si weyn looga maqlayaa xaafadaha ku dhow Xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo rasaasta qaar kood ay garaaysay afaafka Villa Somaliya oo ay ku xaranyihiin madaxda Riddada.

rasaas Liif Liif ah oo ay mujaahidiintu ku ridayaan Villa Somaliya ayaa sababtay in madaxda Kooxda Riddada ah dhaq dhaqaaq ka sameeyaan dhismayaasha Villa Somaliya.

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa dhawaan sheegtay in ay xoog kula wareegi doonto garoonka iyo madaxtooyada Villa Somaliya oo ah goobo laga dhibaateeyo shacabka Muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.
 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: