Macalin Xaashi oo shaaciyay in ay soo dhaweynayaa Jihaadka caalamiga ah ee uu Caalamka ka wado Ururka Al Qaacidda digniina u diray Idaacadaha Heesaha ku fasahaadiya shacabka Muslimiinta ah.

Mujaahidiinta Xisbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday in ay Jihaadka Soomaaliya kusoo dhawanayaan cid walba oo alle dartiis u jihaadaysa xataa ay jecelyihiin in ay Alqaacidda ka bar bar dagaalanto .

Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam u qabailsan gobalka Banaadir Macalin Xaashi oo galabta shir Jaraa’id ku qabtay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in Mujaahidiintu aysan ka daali doonin dagaalada Jihaadka isagoona sheegay in ay jecelyihiin mujaahidiinta kale ee caalamka sida Al Qaacidda.

Macalin Xaashi wuxuu si cad u sheegay in Jihaadka Somaliya ka socda uu u furanyahay Mujaahidiinta caalamka iyaguna ay soo dhawenayaan cid walba oo Jihaadka Somaliya kusoo biiraysa.

“Mujaahidiinta Somaliya waxay soo dhawaynayaan cid walba oo Jihaad doon ah xataa waxaan jecelnahay in Sheekh Osama Bin Laden noo yimaad hadii uu awoodo, imaada ayaan leenahay mujaahidiinta in ay naga barbar dagaalamaan ayaan jecelnahay”ayuu yiri Macalin Xaashi.

Xisbul Islaam waxay uga digtay saxaafadda magaalada Muqdisho in ay Mujaahidiinta ugu yeeraan Ajanabi iyo shisheeye “Idaacadaha qaar waxaan maqalnaa in walaaleheena Muhaajiriinta ugu yeeraan Ajanabi arrintaas waa wax aan la qaadan karin, ajnabi waxaa ah kuwa gaalada AMISOM ee qafuuraha waaweyn kuwaas ajnabi ugu yeera’.

Sarkaalkan katirsan Ururka Xisbul Islaam wuxuu sheegay in ay talaab ka qaadi doonaan Idaacadaha magaalada Muqdisho ee caadaystay baahinta heesaha iyo waxyaabaha Munkarka ah.

waxaana Idaacadahaasi loo qabtay in ay muddo 10 maalmood ah ku joojiyaan baahinta heesaha Munkarka ah oo ay shacabka ku fasahaadiyaan.

 talaabtan ay qaadeen Xisbul Islaami ayaa kusoo aadaysa xilli wilaayaadka xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay gobalada ka joojiyeen dhagaysiga Heesaha

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: