C/risaaq Qeylow “Dhagaysiga Heesaha Dembi ma ahan Xisbul Islaam iyo Shabaab waxay doonayaan in ay Dadka ku wareeriyaan Nashiidooyin Afghanistan iyo meelaha qaska ka socdo”.

Dowladda KMG ah ayaa Cambareyn kulul ujeediyay ururka Xisbul Islaam kadib Amarkii ay shalay kusoo rogeen saxaafada ka howl gasha Gudaha Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaarada Warfaafinta Dowladda Shariifka C/risaaq Maxamed Qeeyloow oo shir Jaraa’id ku qabtay Gudaha Magaalada Muqdisho .

ayuu Ku tilmaamay amarkii shalay kasoo baxay Gudoomiyaha Gobalka Banadir ee Ururka Xisbul Islaam Macalin Xaashi macalin faarax oo uu ku sheegay in ay muddo 10 Maalmood ah Saxaafada Muqdisho ugu qabtay in ay ku joojiyaan Heesaha ay kasii daayaan idaacadaha in uu yahay mid waxba kama jiraan ah oo ay kaga dayanayaan Xarakada alshabab sida uu hadalka u dhigay.

C/risaaq Qeylow wuxuu si cad u sheegay in dhagaysiga Heesaha uusan wax dhib ah keenayn islamarkaana ugu baaqay warbaahinta ay sii daayaan wax uu ugu yeeray Heesa wadani ah.

Qeyloow ayaa intaasi sii raaciyay in Ururka Xisbul Islaam ay arrintaasi ku doonayaan in ay ku Baabi’yaan Dhaqanka iyo Murtida Abwaaniinta Soomaaliyeed oo uu ula jeeday Heesaha Fisqiga ah ee sanadadii lasoo dhaafay lagasii daynayay Idaacadaha maxaliga ah.

“Kuwa nagasoo horjeeda Shabaab iyo Xisbul islaam Gaadiidkooda waxaa ka buuxa Cajalado Nashiidooyin ah oo Afghanistan iyo Ciraaq oo Fowda ah laga keenay Heesihii Soomaaliyeedna way diidayaan waa wax aan ilbaxnimada ku wanaagsanayn” ayuu yiri Qeyloow.

Hadalada Qeylow oo aan Diin loo tiirinayn ayaa inta badan weerar ku ahaa hadalkii ka caraysiiyay Dadka heesayaasha ah ee shalay kasoo yeeray Macalin Xaashi Macalin faarax oo ah gudoomiyaha Gobalka Banaadir u qaabilsan Xisbul Islaam.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: