Ciidamada Xisbada Wilaayada islaamiga Sh/Dhexe iyo Maleeshiyo Burcad ah oo isku rasaaseeyay duleedka deegaanka Raaga Ceelle.

Maleeshiyo Burcad ah iyo ciidamada Wilaayada Islaamiga Gobolka Sh/Dhexe ayaa xalay ku dagaalamay deegaanka Raage Celle isla gobolkaasi kadib markii burcadda hubaysan rasaas ku fureen dad rayid ah.

Ciidamada Xisbada wilaayada Islaamiga ah ayaa saaka bilaabay Howlgallo ay ku baacsanayaan kooxaha burcadda ah ee wadooyinka gala.

Saraakiisha Wilaayada Islaamiga Sh/dhexe waxay noo xaqiijiyeen in rasaas ay kooxaha Burcadda ah ku fureen gudaha Raage Celle ay ku dhinteen Dad rayid ah tira kalane ay ku dhaawacmeen.

Kooxaha Burcadda ah ee rasaasta ku furay deegaanka Raaga Ceelle ayaa ah Burcad caan ka aheyd Xeebta Gobalka oo sanadkii lasoo dhaafay laga ciribtiray gobolka, ciidamada Xisbada Wilaayada ayaa wado baaritaano ay kusoo qab qabanayaan Maleeshiyaadkii Burcadda ahaa.

Wilaayada islaamiga Gobalka Sh/dhexe ayaa aad u degan marka laga reebo dhibaato ay shacabka Rayidka ah u gaystaan Kooxaha loo yaqaan Burcadda soo boodada ah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: