Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo shaacisay inuu soo dhamaaday Wejigii koowaad ee howlaha la dagaalanka Shirkiyaadka.

Madaxa howlaha la dagaalanka Shirkiyaadka Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Sacad Karataay ayaa maanta shaaciyay inuu soo dhamaaday  wejigii hore ee howlaha la dagaalanka Shirkiyaadka,kaasi oo mudooyinkii udambeeyey si xowli ah uga socday  gobolada koonufureed ee dalka soomaaliya.
Howlgalkaasi oo ahaa mid lagu bur burinayo qubuuraha ay caabudaan dadka suufiyada ah ayaa waxay maanta waxay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab warbaahinta ugu soo bandhigeen Xerta Aadan dheere ee degmada wardhiiglay qaar kamid ah waxyaabihii ay kasoo saareen qubuurahaas.

Waxyaabaha sida aadka ah uga yaabiyay dadkii goob jooga ka ahaa goobta waxyaabahaasi lagu soo bandhigay ayaa waxaa kamid ahaa dhagax usamaysan qaabka dakarka oo sida la sheegay  Horgoogayaasha Xeradaasi ay dadka Caamada ah ugu  sheekayn jireen  inuu waxtar u yahay Haweenka wax dhali waaya.

Sidoo kale waxyaabihii halkaasi lagu soo bandhigay waxaa kamid ah ulaha loo yaqaano Saalimowga,tusbaxyo aad u waaweyn iyo alaabo  kale oo lagu harowsan jiray dadka Caamada ah ee Alle sokadiisa  usoo cibaadaysi tagi jiray  qubuurihii ay bur buriyeen Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

Xarakada Mujaahinta Alshabaab ayaa mudooyinkii udambeeyey waxay wadeen howl galo balaaran oo lagula dagaalamayo Shirkiyaadka ay sameeyaan dadka Caamada ah ee aaminsan dariiqada Suufiyada,iyadoona howlgaladaasi intii ay socdeen lagu bur buriyo qubuuro  ay  ku aasnaayeen wadaado ay  Suufiyadu si aad ah uqadarin jireen.

Qubuuraha ay bur buriyeen Xarakada  Mujaahidiinta Alshabaab ayaa waxaa kamid ah qubuuro ay ku aasanaayeen Muxyadiin Axmed Celi,Aadan Dheere,Cali Muu’min iyo Maxamed biyo maalow oo dhamaantood ahaa rag Alle Sokadiisa wax la waydiisto.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: