Wilaayada islaamiga Gobalka Gedo oo soo saartay wareegto lagu mamnuucayo Beerashada MaandooriyahaTubaakada Gobalka Ged.

Wilaayada Islaamiga gobalka Gedo ayaa soo saartay awaamir Islaami ah oo ay shacabka uga reebayso isticmaalka waxyaabaha Daraagiska ah ee dhibaateeya caafimaadka iyo dhaqaalaha shacabka.

Wareegto kasoo baxday Maktabka waaliga wilaayada Islaamiga Gobalka Gedo Sheekh Bishaar Aadan Xasan ayaa lagu mamnuucay in beeralayda gobalka Gedo ay Beertaan Maandooriyaha Tubaakada islamarkaana ay cunaan dadka gobalka Gedo ku dhaqan.

Wilaayada Islaamiga Gobalka Gedo waxay sheegtay in Tacabka Maadooriyaha Tubaabakada ay sii baahin karto fasaad iyo caafimaad darro soo wajahda shacabka muslimiinta ah ee ku nool gobalka Gedo.

Sheykh Bishaar ayaa ugu baaqay Beeralayda gobalka Gedo in ay tacbadaan Dalagyada xalaasha ah islamarkaana ay ka waantoobaan tacabka dalaga xaaraanta ah wuxuuna intaasi raaciyay in cunista maandooriyaha tubaakada aan laga helayn wax manfac ah dhib mooyee.

Wilaayadka Islaamiga xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sanadadii lasoo dhaafay gobolada ay maamulaan ka mamnuucaya waxyaabaha dhibaatada u keenaya shacabka muslimiinta ah arrintaas oo ay shacabku soo dhaweeyeen

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: