Maamulka Xisbul Islaam degmada B/weyne oo ku Hanjabay in ay Gowrac marsiin Doonaan Xildhibaan Gaagaale iyo Maleeshiyaadka kale ee Feer Feer iskasoo abaabulaya.

Maamulka Ururka Xisbul islaam degmada B/weyne gobalka Hiiraan ayaa Jawaab kulul ka bixiyay war dhawaan kasoo yeeray Xildhibaano katirsan DKMG ah oo ku sugan deegaanka Feer Feer dhulka Somaligalbeed ee Itoobiya gumaysato.

Madaxa Howlgalada Xisbul Islaam gobalka Hiiraan ahna Afhayeenka maamulka B/weyne ka dhisan Sheykh Max’med Wehliye Odawaa oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada B/weyne ayaa shaaciyay in ay talaaba ka qaadi doonaan Xildhibaanada isku abaabulaya Feerfeer oo uu ku tilmaamay “Khuwano ku dhacay Riddo” sida uu hadalka u dhigay mas’uulkaasi.

Wuxuu sheegay in Xildhibaan Gaagaale oo dhawaan kasoo baxay Xabsi Tikree uusan awood ulahayn weerar uu B/weyne kusoo qaado balse u jeedkiisu yahay in uu Dhimbilo dab ah geliyo Maleeshiyaad beeshiisa ah.

“waan maqalnay warka kasoo yeeray gaagaale oo ah Nin Riddo ku dhacay hadana Amxaaro raashinka lacuna,Gaagaale waa Nin daciif ah xiligii uu safka mujaahidiinta ku jiray xataa ma ahayn Nin geesi oo dagaal gala hadda oo uu ilaah garabkiisa kabaxay waxba kama qaadayo Mujaahidiinta Hiiraan”ayuu yiri Odawaa.

Ururka Xisbul Islaam waxay intaasi ku dareen inaysan cafi doonin oo ay Gowrac marsiinayaan Maleeshiyaadka lasoo safta Gaagaale iyo saraakiisha kale ee Itoobiya iskasoo abaabulaya “Gaagaale Wiilal beeshiisa ah ayuu Dab ku ridayaa waxaanse u sheegaynaa beelaha ay ka dhasheen in aan Gowrac masriin doono hadii aan qabano iyagoo cadawga u dagaalamaya intaasi waa naga digniin”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Odawaa.

Xisbul Islaam iyo Shabaabul Mujaahidiin ayaa sanadkii lasoo dhaafay dagaal B/weyne ka dhacay waxay ku qabteen saraakiil katirsanaa Maleeshiyaadkii Qabuura Galeenka kadibna inta la gowracay ayaa lasoo suray Aargada magaalada B/weyne taasi oo argagax ku riday cid walba oo danaynaysay in ay ka barbar dagaalanto Maleeshiyaadka qabuura Galeenka iyo kuwa DKMG ee Feer Feer iyo Mustaxiil iskasoo abaabula.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: