Beesha Biyamaal oo Hub farabadan ku wareejisay xarakada Shabaabul Mujaahidiin Gobolka Sh/Hoose.

Mid kamida Beelaha Muslimiinta Soomaaliyeed ayaa Hub iyo saanado ciidan oo aad u qiima badan ku wareejisay xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo dagaallo Jihaad ah ka wada gobalada dalka Soomaliya.

Munaasabad balaaran oo shalay ka dhacday wilaayada Sh/Hoose ayna kasoo qayb galeen Odayaal dhaqameedyo iyo waxgarad katirsan Beesha Biyamaal ayay beeshaasi Hub ku wareejisay xarakada Al Shabaab.

Degmada Buulamareer ahayd halkii Hubka lagula wareejiyay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaa soo xaadiray Culimo mas’uuliyiin katirsan Shabaabul Mujaahidiin waxayna sheegeen labada dhinac in ay iska kaashan doonaan difaacidda diinta alle iyo u gargaaridda Mujaahidinta dagaalka kula jirta cadawga.

waali K/xigeenka Wilaaya Sh/Hoose Hoose Sheekh C/qadi Kabajecel oo munaasabadii hubka lagu wareejinayay ka hadlay ayaa u mahad celiyay beesha biyamaal sida daacadnimad leh oo ay u taageertay Jihaadka Somaliya ka socda.

Hubkii shalay lagu wareejiyay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka koobnaa 100 qori iyo saanado kale oo ay beeshaasi ugu deeqday xarakada Shabaabul Mujaahidiin, hubka lwareejiyay waxaa kamid ahaa qoryaha PKM,Baasuuke,Dhashiike,Sabano,AK47 iyo saanado kale oo aad muhiim ugu ah dagaalka.

Saraakiisha Shabaabul Mujaahidiin waxay ubalan qadeen beesha Biyamaal in Hubkan lagu difaaci doono Diinta alle oo aan wax kale looga qayb qaadan doonin, bilihii lasoo dhaafay beelaha Muslimiinta Soomaaliyeed ayaa hubkooda uga qayb qaadanayay Jihaadka Somaliya ka socda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: