Xarakada Al Shabaab oo samaysay Ciidanka Difaaca Cirka Soomaaliyeed iyo Gantaallo Casri ah oo lagu arkay Saldhigyada Ciidanka Cirka Shabaabul Mujaahidiin (Warbixin).

 Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa markii ugu horaysay bilaawday in ay dib boorka uga jafto ciidankii Cirka Somaliyeed oo muddo 20-sana ah aan shaqayn wixii ka dambeeyay burburkii dowladii Siyaad Barre.

Ciidan Difaaca cirka qaabilsan ayay shabaabul Mujaahidiin ka hirgelisay gobalada ay xarakadu maamusho taas oo guul weyn u ah xoogaga Islaamiyiinta iyo dadka Soomaalida ah oo in muddo ah dhibaato ku qabay diyuuradaha jooga hoose ku duulo.

Ilo xog ogaal ah ayaa SomaliMemo.net u xaqiijiyay in madaafiicda lidka diyuuradaha oo casri ah la geeyay gobalada Jubbooyinka iyo Shabeelooyinka waxaana la sameeyay ciidan tababar wanaagsan qaba oo qaabilsan difaaca Cirka.

Ciidamadan cirka qaabilsan oo ay Shabaabul Mujaahidiin muddo sanada ah tababaro siinaysay ayaa hadda howlohoodi bilaabay,in kastoo aan lasheegi karin halka uu ku yaal saldhigga ugu weyn ee cirka shabaabul mujaahidiin hadane waxaa magaalooyinka Kismaayo,Marka,Baraawe iyo Baydhabo ka shaqa bilaabay guutooyinka cirka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.

Dad ku sugan gobalada ay Shabaabul Mujaahidiin maamulaan ayaa sheegay in ay arkeen gaadiid jiidaya madaafiicda Lidka diyuuradaha iyo ciidan garbaha ku sita gantaalada casriga ah ee looga hortago diyaaradaha dagaalka.

Magaalada Marka ayaa la sheegay in laga sameeyay Saldhig weyn oo qaabilsan difaaca Cirka waxaana lageeyay gantaalo casri ah oo aan la ogayn halka ay Shabaabul Mujaahidiin kasoo galeen maadaama wadamada reer galbeedka ay Shabaab go’doomiyeen.

Shabeelaha Hoose waxaa lagu arkay Gantaalka loo yaqaan Saam3 oo qatar ku ah gaadiidka hawada isticmaala gantaalkaasi waa kii ay Al Qaacidada Geeska Africa ku weerartay diyaarad yahuuda laga lahaa oo sanado ka hor ka duulaysay garonka diyuuradaha magaalada Mombaasa Kenya.

Gantaaladan ay Shabaabul Mujaahidiin keensadeen ma haystaan AMISOM iyo DKMG sida aan xogta ku helnay waloow AMISOM haysato madaafiicda goobta oo casri ah, shacabka ku dhaqan magaalada Marka ayaa maalmo ka hor Indhahooda saaray gaadiid madaafiic jiidaya oo magaalada soo gelaya iyo duqayn culus oo ay ciidanka cirka wilaayada Islaamiga ah ugaysanayeen diyuurado isku dayay in ay magaalada dul duulaan.

Sidoo kale Salldhig weyn oo difaaca cirka qaabilsan ayay shabaabul Mujaahidiin ka sameeyeen magaalada Baraawe gobalka Sh/Hoose waxaana duleedka magaalada laga maqlaa hugunka gantaaladaasi oo ay ciidanka cirka qaab tijaaba ahaan ah u ridayaan.

Ciidanka Cirka wilaayada Shabeelada Hoose waxay maalinimadii Arbacada dhulka soo dhigeen diyuurad Basaas oo kasoo dul kacday Markab ay leeyihiin huwanta NATO ee xooga ku joogyo Biyaha Somaliya.

Sidoo kale ciidanka Cirka Shabaabul Mujaahidiin waxay ku guulaysteen in ay magaalada Kismaayo ka dhigaan meel duulimaadyada ka caagan kadib markii gantaal casri ah lahelay, laba bil ka hor ayay ciidamada cirka madaafiic ku garaacen diyuurad hawada magaalada maraysay wixii xiligaasi ka dambeeyana lama arag duyuurado basaas oo hawada magaalada Kismaayo maraysa waxaana taasi loo qaatay in Basaaska Mareykanka ay ka war heleen qatarta ay diyaaradahoodu kala kulmi karaan gantaalada shabaab heleen.

Hawada Soomaaliya ayaa muddo ku dhow 20-sano ahayd mid bayllo ah waxaana sidii ay rabaan u isticmaali jiray diyuuradaha dowladaha shisheeye iyagoona mar marka qaar dhibaata ugaysta shacabka Muslimka ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: