Mooryaan Xeefoow oo ku soo fashilmay kulankii Caabudwaaq

Guddoomiyaha golaha fulinta ee qabuuriyiinta isku magacowday Culima’udiinka ahlusuna Mooryaan Mohamed Yusuf Xefow oo ku soo fashilmay kulankii Caabudwaaq kadibna barakicin ka bilaabay magaalada Dhuusamareeb.

Mooryaan Xeefow ii ah horjoogaha Mooryaanata isku magacowda Ahlu Suna Waljameeca ee ku sugan Ma gaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa kadib markii uu ku soo fashilmaya kulan ka dhacay deegaanka Caabudwaaq wuxuu ku soo laabta magaalada Dhuusamareeb isagoo halkaasina maanta kula hadlay Shacabka degamada Dhuusamareeb una sheegay qeybo kamid ah shacabka Deganka Dhuusamareeb in ay mudo kooban uga guuraan degankaasi wixii hanti ah oo ay qaadan karaan halkaasi ka qaataan waxakalena ay ku wareejiyaan maamulka uu sheegay in uu halaasi ka dhisan yahay.

Shacabka fara ku tiriskaa ee halkaasi ku haray ayaa bilaabay in ay magaaladaasi isaga qaxaan kadib markii uu ku eedeeyey Mooryaan Xeefow in ta badan shacabka magaalada Duusamareeb ay la shaqeeyaan Xarakatul Shabaabuul Mujaahidiin sidaasi awgeedna aysan udul qaadan doonin in ay dadnuucaasi ah ku sugnaadaan deeganada ay iyagu gacanta ku hayaan sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha golaha fulinta ee qabuuriyiinta isku magacowday Culima’udiinka ahlusuna Mooryaan Mohamed Yusuf Xefow oo isagu ah horjooge dagaal kuna hubeysan hubka ugu badan ee yaala degana Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa ku soo fashilmay kulan uu ku tegey magaalada Caabudwaaq oo uu ku doonayey in waxgaradka Caabudwaaq ayku taageeraan heshiis beenaadkii ka dhacay Dalka Itoobiya heshiiskaasi oo Beesha Caabudwaaq ay ka biyo diidey halka Mooryaan Xeefow lagu qanciyey dhaqaalo iyo Rasaas la siiyey.

Mooryaan xeefoow ayaa isagu ka soo jeeda tuulada Guriceel kuna hubeysan Gawaari dagaal oo ay leeyihiin qaarka mid ah Shirkada ka jira degamada Guriceel oo ayka mid tahay Shirkada isgaarsiinta Nation Link oo uu horay ugu qaabilsanaa dhinaca Amaanka.

Sida aanu ka soo xiganey qaarka mid ah waxgaradka Magalada Dhuusa mareeb oo iyagu ka mid ah kuwa la gaarsiiyey waraaqda digniintaa oo ay uga baxayaan deganadooda ayaa sheegay in magaalada caawa ay ku jirto xaalada cakiran kadib markii qeybaha loogu baaqay in ay isaga baxaan magaalada ay hubkooda qaateen bilaabeena in ay isdifaacaan.

Kulanka ka dhacay magaalada Caabudwaaq ayaa ku dhamaaday fashil kadib markii beesha Caabudwaaq ay sicad u sheegen in aysan marnaba ku qanacsaneyn heshiiskii Itoobiya aysan aqbali karin wixii halkaasi ka soo baxay. Mooryaan Xeefoow ayaa la sheegay in kadib markii uu amarka bixiyey uu isaga soo tegey magaalada Dhuuso mareeb una soo dhaqaaqay degmada Guriceel oo saldhig u ah inkastoo ay warar qaar sheegayuaan in uu abaabulayo dagaal uu ku qaado saraakiisha ku sugan degmada Caabudwaaq ee iyagu diidan heshiiska Itoobiya.

Mooryaan Xeedow ayaa isagu horay uga biyo diidey heshiiska aywado dowlada Itoobiya balse markii danbe ogolaaday kadib markii sida la sheegay lagu qanciyey midkamid aj jagooyinka ugu sareeya iyo hub aad ufara badan.

Isku soo wad duuboo Arinka uu maanta Mooryaan Xeefow ka sameeyey magaalada Dhuusamareeb ayaa u muuqata mid soo dedejineysa gabagabadii Mooryaan diimeedka sheega Ahlu Suna Waljameeca waxaana durba magaalada Dhuusamareeb oo ah xarunta Gobolka ka bilowday Dhaqdhaqaad ciidan oo looga soo horjeedo hadalada maanta ka soo yeeray Mooryaan Xeefoow.

Dhinaca kale wararka aanu ka heleyno Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in Ciidamo aad u hubeyso oo ay leeyihiin Xarakada mujaahidiinta Alshaab ay dugaaladfa magaaladssi lagana cabsi qabo in uu soo degdego dagaal ay halkaasi kula wareegaan mujaahidiintu.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: