Meydka wiil da’yar oo lagala baxay Xubnaha ugu muhiimsan jikiisa oo lasoo dhigay meel udhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Dhaco kamid ah dhacdooyinka ugu xanuunka badan  ee ka  dhaca Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu arkay   Xaafadda buulo buuxay degmada wadajir ee  gobolka Banaadir  kadib markii dadka deegaanka Xaafadaasi ay maanta  arkeen   Meydka wiilka da’yar oo sida muuqanaysay lagala baxay Xubnaha ugu muhiimsan jirkiisa,kaasi oo lasoo dhigay  agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wiilkan oo da’diisa lagu qiyaasay  3-sano jir ayaa waxaa lagala baxay  wadnaha iyo beerka,iyadoona dadka  degen hareeraha garoonka Aadan Cadde ay si aad ah ula fajaceen dhac dadan oo ah mid naadir ku ah dhagaha dadka kunool Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ugandha ee qeybta ka ah Ciidamada Shisheeye ee jooga magaalada Muqdisho,saldhigna ku leh  garoonka diyaaradaha Aadan Cadde  ayaa lagu eedeeyey  inay mas’uul ka yihiin falkaasi.

waxayna dadku ay taasi sabab kaga dhigayaan qaabka farsamaysan ee wiilka da’da yar  wadnihiisa iyo beerkiisa loola baxay sida ay ku waramayaan qaar katirsan dadka deegaanka oo Idaacadda Alfurqaan la hadlay.

Dhacda-dan Arga gaxa leh ee ka dhacday nawaaxiga garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho ayaan ahayn tii ugu horaysay ee ay maqlaan dhagaha dadka kunool magaalada Muqdiso.

iyadoona maalmo ka hor  isla Naxaawiga garoonka Aadan Cadde lagu arkay Meydka wiilka da’yar oo isna lagala baxay qeybaha ugu muhiimsan jirkiisa.

Si kastaba ha ahaatee Ciidamada Afrikaanka Shisheeyaha ayaa isbitaalo gaar ah waxay  ka dhex sameysteen gudaha Saldhigyada ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

iyagoona sheegta in isbitaaladaasi ay ku daaweeyaan dadka bukaanka ah balse dadka qaar ayaa shaki xoogan waxay ka muujiyeen ujeedka ama hadafka isbitaaladaasi loo furay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: