Maleeshiyo katirsan Dowladda KMG ah oo Kufsi arxan darra ah u gaystay Haweenay Muslimad ah oo ku sugan degmada Wadajir magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaad katirsan Dowlada KMG ah ayaa falal tacadi ah ka gaystay degmada Wadajir magaalada Muqdisho oo ay maamulaan ciidamada AMISOM iyo Dowladda KMG ah.

Xalay Fiidkii ayay maleeshiyo daacad u ah Axmed Daaci gudoomiyaha degmada Wadajir kufsi arxan darra ah kula keceen haweenay Muslimad ah oo deganeed xaafadda Jiirow Maskiin degmada Wadajir.

Boqolaal qof oo ka caraysan falka wuxuushnimada ah oo ay ku keceen Maleeshiyada DKMG ayaa saaka isugu baxay degmada Wadajir si ay u muujiyaan dhibaatada ay Haweenka Muslimaadka ah kala kulmayaan Maleeshiyada DKMG ah.

Qof ku sugan degmada Wadajir ayaa SomaliMemo.net u xaqiijiyay in saaka albaabada loo laabay dhamaanba goobaha ganacsiga xaafadaasi waxayna dadku ku qaylinayeen Erayo ka dhan ah maleeshiyada DKMG ee Kufsaday Haweenayda Muslimadda ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Sedax katirsan maleeshiyaadka DKMG ah oo fariisin ku leh saldhigga degmada Wadajir ay xalay hal mar wada Kufsadeen Haweeanydaasi Muslimadda ah oo saaka iyadoo xanuunsanayso lagasoo qaaday goobtii ay ku kufsadeen.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: