Maleeshiyaad katirsan kooxda gaala raacyada oo maanta dhac iyo Boob ugaystay Shirkadaha ganacsiga ee ku yaal degmada X/weyne magaalada Muqdisho.

Maleeshiyo katirsan Kooxdda Riddada shariif Sheekh Axmed ayaa maanta falal dhac iyo hanadaad ah ka gaystay goobaha ganacsiga ee degmada Xamar Weyn ee magaalada Muqdisho oo ay kamid ah meelaha ay cadawgu maamulaan.

Maleeshiyaad ku hubaysan gaadiid dagaal ayaa maanta duhurkii xoog ku galay shirkadaha Isgaarsiinta degmada Xamar Weyn iyo qaar katirsan Xawaaladaha degmadaasi iyadoona qaar katirsan shaqaalaha ay horay u kaxaysteen maleeshiyaadkaasi. Mas’uuliyiin katirsan shirkadaha Isgaarsiinta kuyaala degmada Xamar Weyne ayaa sheegay in Maleeshiyada Dowladda Riddada ay lacago kusoo rogeen ganacsatada kadibna ay xoog kusoo galeen.

Shirkadaha ganacsiga ee maanta la xiray waxaa kamid ah shirkadda Igaarsiinta Hormuud iyo Salaam Somalli-Bank oo ay Maleeshiyada Riddada ka dalbadeen in lasiiyo lacago baad ah.

wararka ayaa intaas ku darayo in khilaaf soo kala dhaxgalay maamulka Xamar Weyne iyo Maleeshiyaadkii xiray shirkadaha uu sababay in markii dambe dib loo fasaxo shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa xawaaladaha.

 Xogheyaha Guud ee gobalka Banaadir u qaabilsan Dowladda Riddada ayaa laxaqiijiyay in uu mas’uul ka ahaa handadaada lagula kacay ganacsatada Muslimiinta ah ee ku ganacsato Xamar Weyne.

 Amaanka deegaana ay magaalada Muqdisho ka maamulaan gaalada AMISOM iyo Kooxda Riddada ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahaa mid aad u xun.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: