Ciidanka Difaaca Cirka Wilaayada Islaamiga Sh/Hoose oo maanta waxyeelo ugaystay diyuurado Dagaal oo ku dul haadayay hawada magaalada Marka.

Ciidanka Cirka Wilaaayda islaamiga Gobalka Sh/Hoose ayaa maanta iska caabiyay diyuurado dagaal oo weerar kusoo qaaday magaalada Marka xarunta Wilaayada Islaamka gobolka Sh/Hoose.

Saraakiil katirsan Wilaayada Islaamiga Sh/Hoose ayaa Idaacadda islaamiga Andalus u xaqiijiyay in diyuurado joog hoose ku duulayo ay soo dul mareen magaalada kadibna ay Ciidanka Cirka weeraro culus ku qaadeen waxaana jira waxyeelo soo gaartay qaar katirsan diyuuradihii ku dul haaday magaalada Marka.

Xoogaga Mujaahidiinta qaabilsan difaaca Cirka ayaa Khal khal ku abuuray diyuuradihii gaalada ee isku dayay in ay Howlo Basaasnimo ka fuliyaan magaalada Marka xarunta Wilaayada Sh/Hoose, laba kamida diyuuradihii weerarka cadawtooyo soo qaaday ayaa lasheegay in dhaawac weyn uu soo gaaray,

Saraakiisha Wilaayada Islaamiga ayaa baadi goob balaaran ugu jira halkii ay ku dheceen laba diyuuradood oo dhaawac culus kasoo gaaray madaafiic Barakaysan oo ay Mujaahidiintu ku rideen.

Diyuurada Cadawga oo kasoo dul haaday Maraakiibta gaalada ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa isku daya in ay Khal Khal geliyaan shacabka Muslimiinta ah ee ku nool magaalada Marka, ciidamada Mujaahidiinta Shabaab ee qaabilsan difaaca Cirka ayaa iyana aad u xoojiyay difaaca cirka iyagoona keensaday madaafiicda Lidka diyuuradaha.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: