Ciidamada Mujaahidiinta oo kaabiga ku haya magaalada Dhuusamareeb Gobalka G/gaduud iyo qabuuriyiinta Mushrikiinta ah oo bilaabay in ay kala firxadaan

xaalada kacsanaan ah ayaa lagasoo sheegayaa degmooyin katirsan gobalka Galguduud oo maalmihii lasoo dhaafay ay dhibaato ka wadeen Maleeshiyaad qabuuriyiin Mushrikiin itoobiyaaan kal kaal ah.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Dhuusamareb xarunta Galguduud ayaa xaqiijinaya in Maleeshiyaadkii halkaasi ku sugnaa ay laba laabeen Isbaarooyin ay halkaasi dhigteen kadib khilaaf soo kala dhaxgalay.

Maleeshiya beeleed ku sugan Dhuusamareeb ayaa weli gaadiidka dadweynaha ka qaadanaya lacago baad ah waxaana gebi ahaanba meesha ka baxay maamulkii Qabuura galeenka ay u magacaabeen magaalada.

Mid kamida saraakiisha Qabuura Geleenka Mushrkiinta ayaa shalay gelinkii dambe ka baxay magaalada kadib cadaadis uga yimid maleeshiya beeleedyo diidan in qabuura Galeenku ay sii haystaan magaalada.

Bandaw ay soo rogeen Maleeshiyo deegaanka ah ayaa xalay ka jiray xaafado katirsan magaalada dhuusamareeb waxaana kaabiga magaalada soo degay ciidamo katirsan Shabaabul Mujaaahidiin.

Maxmuud Xeefow ayaa lasoo sheegayaa in ay Isku dheceen Beelo degmo Guriceel iyo Dhuusamareeb taas oo keentay in uu Dhuusamareeb ka guuro wuxuuna hadda ku suganyahay daafaha Guriceel.

Waxaa fashilmay dhax dhaxadin ay saraakiil Tikree ah ka dhax waday Qabuura Galeenka Caabud Waaq iyo Dhuusamareeb waxaana lasoo sheegayaa in dadka deegaanka Caabud Waaq ay si rasmiya u diideen Heshiiskii Ridada iyo qabuura galeenka Addis Ababa ku dhaxmaray.

Ciidamo katirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ku hubaysan gaadiid dagaal ayaa lasoo sheegayaa in ay degeen meel aan ka fogayn magaalada Dhuusamareeb waxaana laga cabsi qabaa in maalmaha soo socda ay dagaallo ka dhacaan deegaano Galguduud katirsan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: