Beesha deegaanka Iidaale Gobalka Bay oo Hubkii ugu tirada badnaa ku wareejisay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Muddo ku dhaw 4-sano kadib ayay xoogaga Islaamiyiinta maanta Cudud Dad iyo hub ah ku yeesheen deegaanka Iidaale oo dagaalkii ugu cuslaa ku dhaxmaray Islaamiyiinta iyo ciidankii Tikreega ee Somaliya kusoo duulay dabayaaqadii sanadii 2006-da.

Xoogaga islaamiyiinta ayaa maanta Beyco lagalay Beesha degto deegaanka Iidaale oo ah goob taariikhi ah marka laga hadlaayo dagaaladii dhaxmaray Soomaalida iyo ciidankii soo duulay ee Itoobiya.

Kadib kulan balaaran oo maanta ka dhacay deegaanka Iidaale gobalka Bay ayay Mid kamida beelaha Digil iyo Mirifle bayco kula gashay xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxayna ku wareejisay hub iyo dhalinyaro.

Waaliga Wilaayada Islaamiga Gobalada Bay iyo Bakool ayaa hub iyo 100 Nin kala wareegay Beesha Yantaar oo degto deegaanka Iidaale iyo tuulooyinka ku xeeran, Sheykh Mahad C/kariin waaliga Wilaayada Islaamiga ah ayaa uga mahad celiyay beeshaasi sida ay ugu gargaartay islaamka.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay beesha Yantaar kala wareegtay Hubkan kala ah 11-qori nuuca PKM ah Gaari Cabdi Bille dhashiike saaranyahay iyo Sedax qori nuuca Seekaa Uuga loo yaqaan.

Waxaa kale oo ay beeshu xarakada ku wareejisay rasaas aad u farabadan oo sanaadiiq ku jirtay, Sheykh mahad C/kariin ayaa ka taariikheeyay xaaladihii uusoo maray deegaanka iidaale wuxuuna sheegay in Iidaale ay cadaab u noqotay ciidankii Tikreega.

“waad ogeedeen wixii halka ka dhacay, Iidaale waxay mujaahidiintu cashar ugu dhigeen Gaaladii Itoobiya xiligaas Mujaahidiinta waad u gargaarteen iyana way idinka difaaceen Maleeshiyadii dowladii Riddada ahayd, waxaan idiin balan qaadayaa in hubkan aad Mujaahidiinta ku wareejiseen aan qabiil lagula dagaalamin ee cadawga lagula dagaalamo”ayuu yiri Sheykh Mahad.

Waxaa isna goobta ka hadlay Nabadoonka beesha Yantaar Uaaso Arboow C/raxmaan Maxamed wuxuuna Wilaayada Islaamiga ah u balan qaaday in beeshu ay naf iyo maalba is barbar taagi doonto xoogaga Mujaahidiinta.

Dhawaan ayay Beesha Leesaani Hub aad ufarabadan ku wareejisay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin wilaayada gobalada Bay iyo Bakool laakin Beesha Yantaar ayaa noqotay beeshii ugu hubka badneed ee Shabaabul Mujaahidiin hubkeeda gacanta ugeliso.

11 Responses

  1. insha allaah waa qayr

  2. asc walaalliyaal all asxaabta dm meelkasto eyjoganba oo lagasooma salaansare ok kadib (beesha _ yantaar) waxaan idinleeyahay oo lagadooma salaan sare ok walaaliyaal hadal badan haan mabuuhshee insha allaah waay inoo markale=) ok) saas iyo nabadgaliyo) ismaqal danbe oo hiisa leh==?!!!!? okey good baye=)?!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!?

  3. wsc saax walaal waay inoo mar dhow insha allaah qayr lay

  4. saas miyaa haa okey waaye yaaah okey

  5. kkkkkkkk walahi ma u maleynaayo inuu run yihin iyo in kale waayo dadka hubka dhibeen ayaa aqoon dheer uleeyaay hadii waxaasi tun yihin wax kale ayaa jiraan oo aan la shegeyn sasna waxaa tusaalo u ah tan manta dhaxtaalo dadka DM oo midnimo iyo hormar aanka fikareeyn kuleey maln malama kamid ah ayaa xasoosan doontan

  6. walahi ma u maleynaayo inuu run yihin iyo in kale waayo dadka hubka dhibeen ayaa aqoon dheer uleeyaay hadii waxaasi run yihin wax kale ayaa jiraan oo aan la shegeyn sasna waxaa tusaalo u ah tan manta dhaxtaalo dadka DM oo midnimo iyo hormar aanka fikareeyn kuleey maln malama kamid ah ayaa xasoosan doontan

  7. asalamu calaykum waraxmatulahi wabara kathu salan kadib intii ka tirsan bseesha Yantaar meel walba aad joogtaan ka fikira tan maanta jirto iyo tan bari idinku soo wajahan koleey wax welba weeyla soctaan waxba idin sheegimaayo waa iska sp ok waxaa kalo baaq u jeedin lahaa waxgaradka beesha Yantaar ee markii uga danbeeysay waxaajiray wax la yirahdo,,,M,.R.Z, kuleey intii ah wey iska fahmi kartaan ayaan fila sidoo kale ninkii la oran jiray ,,Q,,waad ogtihiin kafikira sidas iyo amana allah thanks

  8. KKKKKKK. WAXAA. LAYAAB. AH. NINKA DHAHAAYO YANTAAR AYAA XUBKEEDA IYO 100 Qof KA WAREYJISAY ALSHAAB WAA NIN LAYAAB LEH OO AN. AQOONIN DHALINTA BEESHA YANTAAR IYO ODOYASHA BEESHA WAAYO WAA DAD AAD U FIIRA DHEER WAYE. MOYEE MA AGAN DAD HUBKOODA SAXAL KA BICINAAYO. TUSAALE AHAAN DADKA 100 QOF. AH WAX. KALE. MA UGU. BIIRIN ALSHABAAB HUBKAAS DARADIIS ATAA UGU BIIREN MOYAANEEEE. MARKA. WAXAA HUBAAL AH. IN WAX JALE OO AN LA SHEEGIN JIRAAN WANA OGAAN DOONTIIN INSHA ALLAH

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: