Dowlada KMG ah oo sheegtay in Ciidamada AMISOM ay kala qayb qaadan doonaan Howl-gal lagu Burburinayo Guryaha Barakacayaasha Xerada Afasyooni magaalada Muqdisho.

Dowladda KMG ah ee la shaqaysa ciidamada shisheeye iyo reer galbeedka ayaa maanta magaalada Muqdisho uga dhawaaqday Olole balaaran oo ka dhan ah shacabka ku dhaqan deegaanada dowladu maamusho.

Maamulka gobalka Banaadir ugu magacaaban DKMG ayaa shaaciyay in ciidamada AMISOM oo wata taangiyo ay kala qayb qaadan doonaan Howllo lagu burburinayo guryaha cooshadaha ah ee ka dhisan xerada Afasyooni.

Xogheyaha guud ee maamulka gobalka Banaadir Cabdi Kaafi Hilowlle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in ay cagta mari doonaan dhamaanba guryaha cooshadaha ka samaysan ee ku yaal xerada Afasyooni.

Sarkaalkan u hadlay DKMG ah wuxuu muujiyay nacayb ay Dowladu u hayso shacabka iyo jaceyl ay u hayso ciidamada AMISOM ee madaxda dowlada ku ilaaliya qaybo katirsan magaalada Muqdisho.

“Ciidamada aan walaalaha nahay ee AMISOM ayaa nagala qayb qaadanaya Howlgalka aan ku Burburi doonto dhismahayaasha sharci darada ah ee Afasyooni, cid aan AMISOM iyo ciidanka dowladda ahayn laguma arki doono waaberi ilaa iyo Hotel Naasahablood”ayuu yiri Cabdi Kaafi.

Maamulka gobalka Banaadir wuxuu carrabka ku dhiftay in Shabaab iyo Xisbul Islaam ay deganyihiin Afasyooni taas oo ka yaabisay saxafiyiinta shirka jaraa’id ka qayb qaadanaysay.

Inkastoo Maleeshiyaad dowlada KMG ah kawada tirsan ay weli isku horfadhiyaan xerada Afasyooni oo ay hubka isku haystaan hadane waxaa socda kulamo ay leeyihiin beelaha dega Waaberi oo ku aadan sidii ay u difaaci lahaayeen Eheladooda ku sugan Afasyooni.

DKMG ah ayaa markii ugu horaysay cadaysatay in Ciidanka shisheeye ay ka jeceshay shacabka ku nool deegaanada ay maamusho, madaxda dowlada KMG ah ayaan wax war ah kasoo saarin madaafiicda ay shisheeyuhu ku garaacaan xaafadaha shacabku ku badanyihiin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: