Wasiir katirsan Xukuumada Ridada ah oo Xalay ka Badbaaday fal lagu khaarijin lahaa (Faah Faahin).

Mujaahidiinta ayaa xalay weerar culus ku qaaday guri uu magaalada Muqdisho ka deganaa Wasiirka Cadaaladda Dowlada ridada ah Murtad C/raxmaan Faarax Janaqow oo kamid ah wasiirada dowlada ee sida aadka ah u neceb Howlaha Mujaahidiinta Iyo Jihaadka.

Weerar loo adeegsaday Bambo gacmeed ayaa xalay fiidkii lagu weeraray guriga C/raxmaan Janaqow oo ku yaal xaafadda Buula Xuubey degmada wadajir magaalada Muqdisho waxaana weerarkaasi ka dhashay Khal Khal aad u xoogan.

Xoogag hubaysan ayaa laxaqiijiyay in 2 Bambaano ay la heleen hoyga Najanaqow balse waxaa la sheegay in Bambaanooyinkaasi ay ku dheceen barxadda guriga janaqow oo ahaa shub taas oo keentay in Firirka bambaanada ay waxyeelayso darbiga guriga oo kaliya.

Ciidan ilaala u ahaa Janaqow oo afaafka hore ee Hoyga ku sugnaa ayaa rasaas ku furay wadooyinka Jid cadayaasha ah ee hareeraha kamara guriga Janaqow balse ma gaysan wax khasaara ah maadaama xiligaasi ahay habeen.

Wasiirka Cadaaladda Ee Xukuumada Ridada C/raxmaan Janaqoow ayaa aad u dhaleeceeya dagaalada ay Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam ka wadaan dalka Somaliya isagoona magacyo qaab daran ugu yeera Mujaahidiinta Dagaalka Kula Jira Saliibiyiinta AMISOM Iyo Xukuumada Ridada Uu Ka Midka yahay.

Weerarkan xalay lagu qaaday Janaqow ayaa ah fariin ay Islaamiyiintu ku muujinayaan in amaanka wasiirada aysan sugi karin Saliibiyiinta AMISOM ee ku sugan qaybo katirsan magaalada Muqdisho oo dhowr mar hortooda lagu dilay wasiiro dowlada KMG ah katirsanaa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: